Cadeymo muujinaya halka uu ku jiro meydka Jamaal Khaashuqji oo la helay

Istanbul (Caasimada Online)- Cadeymo badan oo Turkey uu ururiyay ayaa muujinaya in meydka wariye Jamaal Khaashuqji ee wali maqan uu ku dhex jiro ceelka beerta ku taala guriga Qunsulka Sacuudiga ee dalka Turkey.

Kadib markii si taxadar leh halkaasi ay u dhigeen kooxda Shabeelka ee dhaxal sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salmaan, sida uu sheegay qoraa buug cusub ka diyaariyay dilkii wariyaha.

Jamaal Khaashuqji, ayaa la waayay kadib markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul bishii October ee sanadkii dhamaaday 2018, waxaana uu si weyn kaga soo horjeeday Bin Salmaan iyo boqortooyada Sacuudiga

Kadib todobaadyo oo ay beeninayeen dilka Wariyaha, ayaa cadaadis caalamka kaga yimid kadib, Sacuudiga wuxuu ugu dambeyn 18 ruux u xiray dilka, laakiin su’aasha wali taagan ayaa ah halka la geeyay meydkiisa maadaama wali aysan ka hadlin Sacuudiga.

Buug laga qoray dilka Wariye Jamaal oo todobaadkaan lagu soo bandhigay dalka Turkey ayaa lagu wareystay saraakiil sar sare oo Turkish ah, kuwaasi oo tooshka kusii daaray dambiga la xiriira dalka Jamaal.

Qorayaasha Buuga C/raxmaan Simsek, Nasif Kahraman iyo Ferhat Unlu, ayaa sheegay in dhamaan cadeymaha la helay ay muujinayaan in ceelka guriga uu degen yahay qunsulka lagu qariyay meydka, waxaana saraakiisha Turkida ay aamisan yihiin in ceelka uu ku jiro meydka, walow laga yaabo in meelo kale lagu qarin karo meydka.

Sacuudiga ayaa masuuliyiinta Turkey u ogolaaday inay biyo yar ka qaataan ceelka si ay baaritaan ugu sameeyaan, laakiin wax natiijo ah lagama helin, hase ahaatee xukuumadda Sacuudiga ayaa diiday dalab kaga yimid Turkey oo ahaa inay biyaha ceelka eber ka dhigaan si ay baaritaan kale gunta ceelka uga sameeyaan.

“Meydka waxaa la dhigay gunta ceelka kadib marii biyaha laga wada saaray, Tusaale ahaan waxay ku dhigi karaan gudaha ceelka iyaga oo Waxyaabo balaastiig ah dhexgeliya, waxaana jira tuhun aad u weyn oo ah in meydka la dhigay gudaha ceelka”sidaasi waxaa yiri mid kamid ah qorayaasha Buuga.

Qorayaasha ayaa ugu dambeyn sheegay inaysan dhageysan codka la duubay ee dilka wariyaha, balse ay heleen xoogaa xaqiiqooyin ah oo ay ka heleen masuuliyiinta Turkey.

Caasimada Online
Xafiiska Istanbul
Caasimada@live.com