“Meesha Gaas oo ku koray D/Mareeb uu Puntland iiga xigsanayo ma garan karo”

Garowe (Caasimada Online) – Musharax Madaxweyne Cali Ciise Cabdi ayaa si cajiib ah kaga jawaabay Su’aalo la wada sugayay jawaabahooda, kadib wareysi uu bixiyay musharaxa.

Ugu horeyn Musharaxa ayaa la weydiiyay su’aal aheyd, Dowladda Federaalka miyaa ku wadata?

Jawaab: Dowladda Federaalka waxan la soo shaqaynayey illaa xiligii Cabdillahi Yusuf, xiligii Sh Shariif, xilligii Xassan Sheekh illaa hadda, laakiin wax gaar ah oo naga dhexeeyaa ma jiraan, dowladduna nin hadda socda musharax kamay dhigateen bay ila tahay ee kuwii Sanadka sharraxnaa bay diran lahayd.

Suaal: Dr Cabdiweli Cali Gaas wuxu kugu eedeeyey in aanad ahayn Putlander rasmi ah oo Puntland lagu aamini karo, arrinkaas maxaad ka leedahay?

Jawaab: Horta u malayn maayo Dr Abdiweli oo aanu 30 sano isnaqaanay in uu sidaa odhanayo, haddiise uu yidhi dee waxaanan garanayn meesha Abdiweli oo Dhuusamareeb ku dhashayna Puntlanderka ku noqday Aniga oo Cali Ciise ah oo meel 30KM ama 50 kiiloomitir halkan aan hadda fadhino u jirta ku dhashay oo dooxyadan Garoowe u dhow Geela ku raaci jireyna aan Puntlander u noqon waayey. Samaysankii puntland waaba la’ ogyahay cidda samaysay. Qofka sidaas u hadlaana wuxu rabaa in Puntland lagu kala tago laakiin lagu kala tagi maayo ee isagaa tegaya.

Suaal: Waxad wax ka dhistay Khaatumo taas miyaan loo qaadan karin in aanad Puntland aaminsanayn!

Jawaab: Dan baan u arkayey in Reer SSC la isu daayo oo ay iyagu aayahooda ka tashadaan, laakiin haddii aan taadaba kuu raaco; haddii aan soo kordhin lahaa maamul goboleed cusub oo bahwadaag la’ ah Puntland sida Galmudug iyo Hirshabeele oo kale miyaan la odhan karin dad badan waaban ka bisayl horreeyey.

Suaal: Dhaqaale iyo Aqoon ba waad haysataa maxaad nolosha inta kaaga dhiman isaga raaxaysan weyday ee kugu kelifay in aad buuq iyo qaylo soo doonato?

Jawaab: 35 dal baan nidaamkooda dhaqaale wax ka soo dhisay; aqoontaas aan wax ku dhisayeyna hal Dollar oo aan leeyahay wax kuma baran, qaranka Soomaaliyeed baa wax i baray, deynkii in aan soo celiyo baan isu soo sharaxay. Charity begins at home. Samafalka gurigaaga waa in aad ka bilowdo.

Hadalkaan ayuu jeediyay kadib Wareysi uu siiyay Somali Cable

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com