Video: “Dr. Cali Ciise Cabdi si dirqi ayuu C/Weli Gaas uga baxsaday” (Daawo)

Hargeysa (Caasimada Online) – Sida uu warbaahinta u sheegay Xildhibaan Nac Nac oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, waxaa si dirqi ah Cabdiweli Cali Gaas uga badbaaday Dr. Cali Ciise Cabdi oo ah musharax kula loolamaya xilka Madaxweyne ee Puntland.

Dr. Cali Ciise ayaa dhawr maalmood kahor ka degay Garowe kahor inta uusan shaacin murashaxnimadiisa xilka madaxweynaha.

Maalintii xigtay ee uu Garowe tagay waxa uu Gaas soo saaray digteero Puntland in ay yimaadaan mamnuuceysa xubnaha qof ka tirsan dowladda Federal-ka ah sida Wasiirada, shaqaalaha rayyida ah iyo kuwa Villa Somalia.

Isla maalintaas waxa ay warbaahinta qaar ka mid ah soo gaaray war sheegaya in la xannibay dhaqdhaqaaqa musharax Dr. Cali Ciise Cabdi xilli laamaha ammaanka maamulka Puntlland uu Cabdiweli Gaas faray in ay si dhaw ula socdaan.

Ma jirto cid beenisay warkaas haddii ay ahaan lahaayeen maamulka Puntland iyo xerada ol’olaha Dr. Cali Ciise Cabdi.

Taas oo ay jirto, waxaa saxaafadda la hadlay xildhibaan Nac Nac oo sida muuqaalkan hoose ka muuqata sheegay in Dr. Cali Ciise Cabdi ku sigtay in lagu dilo Garowe oo ayna sababtuna tahay in beesha maamusha Puntland aysan diyaar u ahayn ama rabin in nin reer Sool ah Madaxweyne ka noqdo Puntland.

Xildhibaan Nac Nac oo ah mudane ka tirsan Golaha Wakiilada gaar ahaan kuwa ugu caansan ayaa ugu baaqay Dr. Cali Ciise in uu jagadaas Madaxweyne u soo doonto Somaliland taas oo lagu soo dhaweyn doono si ka badalan sida loogula dhaqmay Garoowe.

Hoos ka daawo muuqaalka xildhibaan Nac Nac.