25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Farmaajo oo diiday lacag dhan 80 milyan si uu xiriirka ugu jaro Qadar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Baraha bulshada ay kuwada xiriiran shucuubta carabta ayaa waxaa si xooli ah loogu baahinayaa qoraal uusoo daabacay qoraa lagu magacaabo Jaber Al-Harami oo ku takhasusay Ganacsiga kana baxay Jaamacadda Qadar.

Qoraalkani ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo uu diiday lacag dhan 80 Milyan oo dollarka Mareykanka ah, si uu calaaqaadka ugu jaro dowlada Qadar.

Qoraalka oo aad u gaaban ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiir kamid ah Wasiirada Arrimaha Dibadda dowladaha Khaliijka uu Madaxweynaha Somalia gacanta u galshay 80 Milyan si uu u iclaamiyo in dowladiisa ay xiriirka u jartay Qadar, balse waxaa dhaqaalahaasi diiday Farmaajo, sida lagu sheegay qoraalka uu soo daabacay Jaber Al-Harami.

Wasiirka ku dhiiraday bixinta lacagtaasi oo aan si rasmi ah loo sheegin, ayaa waxa uu u muuqdaa inuu yahay Wasiirka arrimaha Dibadda Sacuudiga Mr Caadil Al-Juber.

Lacagtaani ayaa ka imaaday dhanka Boqorka dalka Sacuudiga, oo waayadani Madaxweynaha Somalia ku cadaadinaayay inuu xiriirka u jaro dowlada Qadar.

Diidmada dhaqaale ee Madaxweyne Farmaajo kadib ayay dowlada Sacuudiga ku goodisay inay jaran doonto dhamaan dhaqaalaha ay ugu tallo gashay Somalia iyo wixii la halmaala gargaarka joogtada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaaya Madaxweynihii ugu horeeyay oo xil ka qabta Somalia isla markaana diida dhaqaale intaa la’eg si uu xiriirka ugu jaro Qadar.

Tallaabada madaxweyne Farmaajo ayaa loo arkay mid ku dheehan geesinimo iyo sharaf iyo inuu iska diiday inuu sharaftiisa iyo madax banaanida Soomaaliya dhaafsado wax walba.

- Advertisement -

Read more

Local News