Guuleed oo xilka ka xayuubiyay mid ka mid ah wasiiradiisa

Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa xul ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta maamulka Galmudug Axmed Dubad Cali kaasi oo lagu eedeeyay howlgudasho la’aan.

Madaxweyne Guuleed ayaa sheegay in Wasiirka Boostada uu ka gaabiyay shaqooyinkii loo igmaday taasina ay sabab u noqotay in uu xilka ka qaado.

Sidoo kale, waxaa xilka iska casilay Wasiiru dowladaha Wasaarada Qorsheynta Galmudug Cabdiraxman Maxamed Cisman (Sayruuq).

Sayruuq, ayaa sheegay in is casilaadiisa ay tahay mid uu maankiisa ka maagay isla markaana aysan jirin cid ku qasabtay inuu iscasilo.

Waxa uu sheegay in xilkii uu maamulka u hayay ku dhawaad halsano iyo bar.

34