Muxuu Xaad ka yiri colaadda Puntland iyo Galmudug iyo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah Nabadoonada ugu caansan ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Dowlada Ethiopia ay wadahadal u furtay maamulada Galmudug iyo Puntland.

Xaad waxa uu sheegay in haddalka kasoo yeeray dowlada Ethiopia uu yahay mid xaqiiqda ka fog waxa uuna sheegay ineysan Ethiopia ku aqoon wanaag.

Xaad waxa uu sheegay in Ethiopia ay hadalkaasi ula jeedo mid cagsi ah, waxa uuna cadeeyay in dagaalka ka socda magaalada Gaalkacyo uu yahay mid ay hurineyso Ethiopia.

”Waa arrin aan aad ugu qoslay markii aan maqlay Ethiopia ayaa heshiis kala dhex dhigtay Galmudug iyo Puntland anigu Ethiopia kuma aqoon wanaaga ay sheeganeyso waayo waxaan qabaa inay sii hurineyso colaada taagan iskaba daaye inay xal ka dhex abuurto labada maamul”

”Ethiopia maalin qura kuma aysan soo toosin inay xal u raadiso Somalia, waxaanse hadalkii kasoo yeeray Wasaarada Arrimaha dibadda Ethiopia shaqsi ahaanteyda u fahmay cagsi oo ah dagaalka labada maamul ayaan sii hurinay”

Nabadoonka ayaa ku celcelshay in Ethiopia hurinta colaada ay qeyb ka qaadato mooyee aysan xal u keeni karin colaada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, sida uu hadalka u dhigay.

Waxuu Nabadoonka sidoo kale uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in loo turo Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Ciidamada is horfadhiya ayuu ugu baaqay inay hakiyaan hubka mala awaalka oo ay isku adeegsanayaan waxa uuna ku baaqay in xalka loo degdego.

Haddalka Xaad ayaa imaanaya iyadoo maalmo un ka hor ay Dowlada Ethiopia ku faantay inay xal hordhac ah ka dhex abuurtay labada dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com