Xog-warran: Waa maxay Aqalka Sare, Muxuuse qabanayaa?

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Waxaa gobollada ka socda doorashada aqalka sare ee Soomaaliya, maamul goboleedyada waxaa ay ku tartamayaan qabsoomidda doorashada, hadaba doorashadaas kadib, isweydiinta waa: waa maxay Aqalka sare ee baarlamaanka, shaqadiisa sidee ayey noqon doontaa, kalfadhiyadiisa waa imisa bilood, xasaanadda ay xildhibaannada aqalka sare yeelan doonaan iyo xataa waxa uu uga duwan yahay aqalka hoose ama baarlamaanka?!!                           

Goobjoog News ayaa dood dhex dhigtay Xildhibaan Cabdulhi Axmed Xuseen Coon, Suldaan Cabdicasis Cumar Daad(Beyle), Maxamed Xasan Xaad, Asli  Ismaaciil Ducaale, Suuban Mahad Dirir, Maqaal Shiine iyo  Muuse Sheekh, dadkan oo matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada waxaa ay walaac ka muujiyeen aqalka cad.

Qaar mas’uuliyiinta ka mid ah ayaa ku doodaya in aqalka sare aanan xilligan loo baahneen ama in aan lacagba loo heyn xildhibaannada, in kale ayaa sheegtay in uu soo kordhin doono khilaaf iyo is-qab-qabsi dalka ka dhaca, qaar ayaa qaba in aqalkan shacabka lagu qasbayo oo aanan diyaar loo aheyn laakin waxaa ay dhammaantood ka sinaayeen in aqalkan uu ka jiro waddamo badan oo caalamka ah, loona baahan yahay in shacabka la fahamsiiyo shaqadiisa iyo waxa laga filan karo.

Hadaba, Halkan ka akhriso sheekada Aqalka sare Si Aad Wax Badan U Fahamto: 

Aqalka sare, Waxaa uu qeyb ka yahay baarlamaanka federaalka  oo ka kooban  golaha shacabka iyo golaha aqalka sare sida ku xusan Qodobka 55aad oo qeexaya Goleyaasha Baarlamaanka Federaalka

Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare: Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxay masuuliyadaha sharci-dejinta u gutaan si waafaqsan Madaxa Afraad ee Dastuurkan oo ku saabsan habraaca sharci-dejinta Heerka Qaran. 

Waa Maxay Aqalka sare: 

Aqalka sare, waa aqal ka duwan aqalka baarlamaanka, waxaa uu leeyahay mas’uuliyado iyo shaqo loo igmaday, waxaana loo qeexi karaa aqalka sare sidan: 

Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalku wuxuu matalaa dawladaha xubinta ka ah dawladda federaalka

Aqalka sare waxaa uu Il-gaar ah ku fiirinayaa sharciyada ku saabsan maamul goboleedka uu matalo, iyo ilaalinta maslaxadda shacabka deegaankaas.

Aqalka sare, Waxaa ii isha ku heynayaa Lacagaha iyo Mashaariicda loogu talogalay dhismaha maamul goboleedka ay matalaan. 

Shaqada Aqalka Sare: 

Sida aan soo sheegnay aqalka sare ee baarlamaanka federaalku wuxuu matalaa dawladaha xubinta ka ah dawladda federaalka.

Masuuliyadaha Aqalka sare:

Ka-qayb-qaadashada wax-ka-beddelidda dastuurka.

Ansixinta, wax-ka-beddelidda iyo diidmada sharciyada la horkeeno, si waafaqsan Qodobbada 82-83 ee dastuurka.

Eegidda sharciyada loo igmadey si waafaqsan Qodobbada 82-83.

Ka-qayb-qaadashada doorashada madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya si waafaqsan Qodobka 89aad.

Xil ka qaadida madaxweynaha si waafaqsan Qodobka 92aad.

Ka-qayb-qaadashada habraaca ku-dhawaaqista xaalad dagaal si waafaqsan dastuurkan,

Hirgalinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaaday Dastuurka si loo hubiyo dhaqangalin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka.

Ka-qayb-qaadashada habraaca ku dhawaaqa xaalad deg-deg ah si waafaqsan dastuurkan.

Ka-qayb-qaadashada nidaamka lagu magacaabayo xubnaha soo socda ee hay’adaha Dawladda ee soo socda si waafaqsan Dastuurkan:

  1. Xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka;
  2. Guddoomiyaha iyo Garsoorayaasha Maxkamadda Dastuuriga ah;
  1. Xubnaha Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka;
  2. Xubnaha Guddiga Xuduudaha iyo Federaalaynta;
  3. Xubnaha Guddiga Xalinta Khilaafaadka.

Tirada  waa 54, tirada aqalka sare, waa ugu badnaan 54 Xildhibaan oo ka imaanaya 18kii gobol ee Soomaaliya lahayd ka hor 1991kii, iyada oo saldhig looga dhigayo:

(a)      Tirada Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka;

(b)      Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubno tiro isle’eg ah.

(c)      Tirada guud ee xubnaha Golaha Aqalka Sare waa in ay matilaad isu dheellitiran ku yeeshaan dhammaan qaybaha bulshadu. 

Guddoomiyaha iyo Ku-xigeenada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa loo doortaa xilkana looga qaadaa habraac la mid ah kan Guddoomiyaha/Ku Xigeenada Golaha Shacabka.

Kalfadhiyada: Golaha cusub ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, fadhigiisa koowaad waa inuu ku qabsoomaa 30 maalmood gudahood, kaddib marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada guud. Taariikhda fadhiga la qabanayo waxaa goynaya Guddiga Qaranka ee Madax-bannaan ee Doorashooyinka.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waa inuu sannad kasta yeeshaa labo kalfadhi oo caadi ah oo ugu yaraan midkiiba socdo afar (4) bilood.

(3)        Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa lagu xaddidayaa, waqtiyada iyo taariikhda kalfadhiyada caadiga ah ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo xilliyada nasashada.

(4)        Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuu yeelan kara Kalfadhiyo aan Caadi ahayn haddii:

(a)      Ra’iisul-wasaaraha isugu yeero;

(b)      Guddoomiyaha Goluhu isugu yeero;

(c)      Haddii ay codsi qoraal ku weydiistaan ugu yaraan laba (2) Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka.

Xeer-hoosaadka Golaha Aqalka Sare: Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku waa in uu samaystaa xeer-hoosaadkiisa, kaas oo ka-qaybgal buuxa siinaya xubnihiisa.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu isu qaybinayaa guddiyo u kala xilsaaran hawlihiisa.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka marka la horkeeno sharci qabyo ah wuxuu u xilsaarayaa guddiga qaabilsan si uu uga soo baaraandego talana uga soo jeediyo fadhiga loo dhanyahay ee Golaha.

Sharci qabyo ah oo Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegato soddon maalmood maalinta Goluhu diiday.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka iyo guddiyadiisuba waa inay u furan yihiin dhegeysiga dadweynaha iyada oo maanka lagu hayo mabaadi’da guud ee daahfurnaanta Dawladda.

Go’aan-qaadashada Golaha Aqalka Sare: Haddii aan Dastuurku si kale u sheegin, xubin walba oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ahi waxay yeelaneysaa hal cod.

Haddii aan Dastuurku si kale u sheegin, go’aammada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ihi waxay ku ansaxayaan codad aqlabiyad ah marka loo eego tirada guud ee xubnaha aqalka.

Ka-qaybgalka Wasiirrada ee Fadhiyada: Wasiirradu waxay ka soo qayb-geli karaan fadhiyada, kana hadli karaan, iyaga oo aan cod ku lahayn.

Xeer-hoosaadka Aqalka Sare ee Baarlamaanku Federaalka ah wuxuu oggolaan karaa in kalfadhiyada caadiga ah ay wasiirradu, qoraal ama tiraab, kaga jawaabaan su’aalaha xubnaha.

Golaha Aqalka Sare ama Guddiyada Golaha Baarlamaanka Aqalka Sare waa ay u yeeri karaan Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha Golaha Wasiirrada si ay wax uga weydiiyaan arrimaha xilkooda la xiriira.

Golaha Baarlamaanka Aqalka Sare ama Guddiyadiisu waa in ay si qoraal ah ugu diraan arrimaha ay ugu yeeranayaan ugu yaraan toddobaad ka hor maalinta ay u muddeeyeen.

Xasaanadda Xubnaha Golaha Aqalka Sare:Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalku waxay leeyihiin xasaanad la mid ah tan xubnaha Golaha Shacabka sida ku xusan Dastuurkan.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka lama kala diri karo. 

Sharci Dajinta Iyo Waxyaabaha Ay Ka Simman Yihiin Baarlamaanka iyo Aqalka Sare

Arrinta Koobaad: Dib-u-eegidda iyo soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurkan dib ugu noqoshada Dastuurkan, Qoridda iyo diyaarinta sharci qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda, Soo-jeedinta sharci-qabyo ah oo cusub oo aan la xiriirin miisaaniyad-sanadeedda iyo Dib-u-eegid sharci hore u jirey, waxaa kaloo ku jira ka doodidda sharci qabyo ah oo la xariira wax-ka-beddelka Dastuurkan waxay ka billabanayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Arrinta  Labaad:  Curinta sharciyada sida Sharci qabyo ah oo heer qaran ah oo ay sameyn karaan Golaha Xukuumadda ama ugu yaraan 10 xildhibaan oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ama xitaa  Ugu yaraan hal wakiil oo ka socda Dowladaha Xubinta ka ah Federaalka; ama iyo  Guddi kasta oo ka mid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Arrinta sedexaad:  Go’aammo siyaasadeed sida Labada Aqal ee Baarlamaankuba way curin karaan Sharci, Aqalka Shacabka oo keliya ayaa leh awoodda diidmada sharci qabyo ah.

Waxaa kaloo muhiim ah: Haddii labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah uu dhex

yimaado, khilaaf ku saabsan sharci qabyo ah, mid kasta oo ka mid ah labada Aqal ayaa Guddi

wadajir ah oo ka kooban labada Aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka

iyo in uu labada Aqal u soo jeediyo sharci qabyo ah oo la is-waafajiyey iyada oo laga duulayo

iskaashiga dowladaha ee ay dhigayaan Qodobbada 51aad iyo 52aad.

Arrinta afaraad: Hindise sharci qabyo ah oo ka bilawday Golaha Shacabka, haddii uu qabyo yahay waxaa la gudboon in uu Ansixiyo ama diido ama In uu diido, kuna wargeliyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, isagoo raacinaya sababaha loo diidey.

Arrinta shanaad:  Hindise Sharci oo Qabyo ah oo ka bilowday Aqalka Sare in uu ku ansixiyo sharciga sida uu yahay ama uu diido kuna wargeliyo golaha shacabka.

(1)        Markuu Aqalka Sare soo gaaro hindise sharci oo qabyo ah, waxaa u furan inuu sameeyo mid kamid ah, arimaha soo socda:

(a)      Inuu ku ansixiyo sharcigaas sida uu yahay ama isagoo wax-ka-beddel ay kaddibna u gudbiyo Golaha Shacabka si uu u oggolaado;

(b)      Inuu diido sharcigaas kuna wargaliyo Golaha Shacabka isagoo raacinaya sababaha uu ku diiday.

Muhiim: Haddii ay ku kala aragti duwanaadaan Hindise Sharci qabyo ah Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah marka uu marayo Hindisahaa Sharci heerka lagu qeexay Qaybta 4aad ama 6aad ee qodobkan, Labada Aqal midkood ayaa dalban karaa in la saaro Guddi wadajir ah oo labada aqalba ka kooban si la isugu dayo in la xalliyo khilaafkaa, loona helo Hindise Sharci qabyo ah oo labada aqalba isla waafaqsan yihiin, iyadoo laga duulayo iskaashiga Dawladaha ka dhexeeya sida ku cad Qodobbada 51aad iyo 52aad ee Dastuurkan.

Arrinta Shannaad: Kaydka sharciyada Dawladda waxaa mas’uul ka’ah xoghayeyaasha Labada Aqal iyo Garyaqaanka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka oo faafinta rasmiga ah ku samaynaya.

Ugu dambeyntii, Soomaaliya waxaa ay yeelaneysaa aqal sare, doorashadii ugu horeysay waxaa ay dhacday October 15, 2016, maamulka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa noqday maamulkii ugu horeeyay ee doorashada qabta sanadkan.

Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari), waxaa uu noqonayaa Xildhibaankii ugu horeeyay ee la doorto 2016-ka iyo ninkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo aqal sare ka mid noqda, waxaa uu ku guuleystay kursiga koobaad ee maamulka Galmudug.

Zamzam Daahir Maxmud oo Kursiga 5aad ee Galmudug heshay waxaa ay noqotay haweeneydii Soomaaliyeed ee ugu horeysay Soomaaliya loo doorto aqal sare.

W/Q: Abdi Aziz Ahmed Gurbiye,

gurbiyeshow@gmail.com