Sawirro: Waa tuma degmada ugu nadaafada xun Xamar?

Muqdisho (Caasimada Online) – Degmada Kaaraan oo ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ee ugu xasiloon Muqdisho ayaa marka taas laga soo tago, waxay la ciir criireysaa nadaafad daro baahsan, iyadoo dhabarka xarunta degmada looga taliyo ee ku taal isgoyska Kaaraan ay noqotay meel qashin qub ah oo loo soo dhaqaajiyo wasaqda iyo xoolaha dhintay.

Marka aad mareyso dhabarka danbe ee degmada ayaa nafta ku siin inaad si degan u marto, waxayna nafta kugu qasbeysaa inaad sanka qabsato, neeftana isku celiso urta kasoo baxaysa awgeed.

Goobta qashin qubka laga dhigay ayaa ah dhabarka danbe ee degmada Kaaraan oo in ka yar 50 tallaabo u jirta xarunta degmada ay ka howlgalaan Guddoomiyaha degmada Cumar Meyre Macow iyo maamulka, taasoo aysan ka war qabin, una qaadin wax tallaabo ah oo lagu nadiifinaayo degmada.

Dadka ka ag dhow xarunta degmada ayaa halis ugu jira inay qaadaan cudurada ka dhasha nadaafad darada iyo wasaqda, waxayna sheegeen in cabashooyin badan oo ay u gudbiyeen maamulka degmada dhegaha laga fureystay, waxayna maamulka gobolka iyo Guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale in uu wax ka qabto halista kasoo socoto nadaafad darada agagaarka xarunta degmada Kaaraan oo noqotay qashin qub.

qashin-qub-kaaraan-1-1qashin-qub-kaaraan-4-1 qashin-qub-kaaraan-5-1 qashin-qub-kaaraan-6-1qashin-qub-kaaraan-2-1qashin-qub-kaaraan-5-1qashin-qub-kaaraan-6-1qashin-qub-kaaraan-6

W/qoray: Cali Muxiyaddiin Cali
Email: muxiyaddiin@hotmail.com