Kismaayo (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka dadban ee maamulka Jubbaland ayaa hakiyay ololihii Wasiirka Macdanta iyo batroolka Somalia Maxamed Mukhtaar Ibraahim ugu jiray kamid noqoshada Aqalka hose ee Baarlamaanka.
Guddiga ayaa Wasiirka ku eedeeyay inuu hareermaray Xeerka Doorashada, sidaana looga reebay Doorashada.
Guddiga Doorashooyinka Jubbaland ayaa ku eedeeyay Wasiirka in uu hareer maray dhamaan qawaaniinta iyo habraacii u degsanaa doorashooynka, waxaan Wasiirka la sheegay in uu isku dayay in uu laaluush uu siiyo xubno katirsan Guddiga Dooarshooinka.


