Beledweyne (Caasimada Online)-Dagaal aad u qaraaran ayaa waxa uu goordhow ka qarxay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Dagaalka oo leysu adeegsanaayo Hubka culus iyo kuwa fudud ayaa waxa uu ka socdaa Degaanka Doon-maleyko oo 7-KM u jira Magaalada Beledeyne.
Dadka deeeganka Doon-maleyko ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid u dhexeeya laba beel kuwaasi oo isku adeegsanaayo Hubka aadka u culus.
Labada beel ee caawa ku dagaalamaaya deegaankaasi ayaa la sheegay in dagaalkooda uu yahay mid aanooyin qabiil, gaar ahaan dilka maanta loo geystay Nabadoon Bocor Axmed Cali.
Dagaalkaani ayaa bilowday kadib markii Beesha uu kasoo jeedo Nabadoon Bocor ay caawa weerar aar-goosi ah ku qaaden Beesha kale.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka waxaana wali socda dagaalka oo Hub culus leysu adeegsanaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
[email protected]

