26.6 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Muqdisho: Beelaha oo qorshe la xiriira doorashada 2016 wada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo kordhiayay caleemo saaka ugaasyada Soomaaliyeed oo ay soo dhisanayaan beelaha Soomaaliyeed.

Seddexdi todobaadkii ee ugu dambeysay waxaa magaalada ka dhacay Caleemo saar loo sameeyay ugaasyo kala duwan, kuwaasi oo caleemos aarkood micno badan uu ku jiro xiliga lagu soo aadiyay.

Dad badan oo Ugaasyo loo Caleemo saaray oo aan la sheekeysanay ayaa inoo xaqiijiyay in qaarkood caleemo saarkooda uu ka dambeeyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh maxamuud oo xusul duub ugu jira sidii uu markale kusoo laaban lahaa.

Ujeedada ugu weyn ee la doonayo in Ugaasyada loo caleemo saaro ayaa ah saameynta ay ku yeelanayaan soo xulida xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee imaanaya dhamaadka sanadkaan si doorashada ay kaga qeyb galaan.

Waxaana ugaasyada qaar ay yihiin kuwo masuuliyiin soo dirsadeen si ay iyaga usoo xulaan xildhibaanka matalaya beesha uu kasoo jeedo, sida ay inoo xaqiijiyeen ugaasyadii ugu dambeeyay ee lagu caleemo saaray magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News