27.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Xildhibaan C/llaahi Jaamac iyo Xasan Sheikh: Geesi iyo 0000

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdullaahi Jaamac Xuseen waxaa u dhaxeeya hal farqi oo si cad u muuqda, waana in nin uu yahay madaxweynaha dalka Soomaaliya, nin uu yahay xildhibaan ka tirsan baarlamanka federaalka Soomaaliya.

Hase yeeshee labadan mas’uul waxaa si hoose marka loo dego u dhaxeeya dhowr oo ay ka mid yihiin shaqsiyad, karti, dadnimo iyo garasho oo aad u weyn.

Nin (Xasan Sheekh), waxa uu ogolaaday in magaaladii uu darteed madaxweyne ku noqday, canshuurteeda laga biilo dowladiisa, dad badan oo degan ay dowladda uu madaxda ka yahay darted u dhinteen, la yiraahdo Soomaaliya kama tirsan, amaba isaga soo jeediyey.

Waxa uu ogolaaday in laba milyan iyo bar qof, oo degan gobolka Banaadir ay noqdaan dad aan matalaad lahayn, islamarkaana ah muwaadiniin heerka labaad ah. Wuxuu juhdi u galay in federaalka dalka lagu qasbay aysan ka mid noqon.

Waxa uu wax walba, lacag, sumcad xumo iyo waqti badan ku bixinayaa in gobolka Banaadir uusan xuquuq yeelan, isaga oo intaas oo dhan dhaafsanaya inuu raali-geliyo maamullo kale iyo in mar kale dib loogu soo doorto hoggaanka Soomaaliya.

Cabdullaahi Jaamac iyo Xasan Sheekh
Cabdullaahi Jaamac iyo Xasan Sheekh

Nin kale (Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac, waxa uu gartay wax Soomaalida oo idil ay garatay, marka laga reebo Xasan Sheekh, oo ah inaysan caqliga saliimka ku jirin in laba milyan iyo bar qof la xaqiro, Soomaalinimadana laga saaro.

Waxa uu gartay in dad lacagtii laga ururiyo lagu biilo dowladda federaalka, maalin kasta dowladda darteed loo qarxiyo, shacabkeeda loo laayo, dhismooyinkeeda loo burburiyo, aysan maskaxda qaadan karin in la yiraahdo dowladda kama mid noqonayaan, matalaadna kuma lahan.

Waxa uu gartay in dastuurka dalka Soomaaliya, ee lagu doortay Xasan Sheekh, aan laga tallaabsan karin, xalka Soomaaliyana uu ku jiro in gobolka ugu dadka badan Soomaaliya ay dadkiisa qeyb ka ahaadaan dhismaha dowlad kasta oo dalka uu yeelanayo.

Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac, waa xildhibaanka hoggaaminaya ololaha lagu xaqiijinayo in gobolka Banaadir aan xuquuqda la duudsiin, wuxuuna waqti iyo maskax badan u huray in labada milyan iyo barka qof ee gobolkaa degan, oo aysan jirin cid u doodda uu isaga u istaago.

“In Banaadir canshuurteeda dowladdu cunto, dadkeedana tiraahdo matalaad dowladda kuma yeelanayaan ma aqbali karno” Waxaa hadalka xildhibaan Cabdullaahi Jaamac ee soo koobay xikmad la’aanta haysa dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Inkasta oo weli ololaha Cabdullaahi Jaamac uusan guuleysan, islamarkaana xaqa uu u raadinayo gobolka Banaadir aan weli la meel marin, haddana wuxuu mudan yahay in lagu amaano doorka uu ka qaadanayo xaqiijinta isku keenidda umadda Soomaaliyeed.

Xildhibaanada kale ee taageeraya ololaha Cabdullaahi Jaamacna, sidoo kale waxay mudan yihiin bogaadin, kuwa aan ololahaas taageersaneynna waa inay gartaan in xalka Soomaaliya ku jiro in Soomaalida oo idil ay qeyb ka noqdaan dowlad kasta oo dalka loo dhisayo.

Dadka kale ee degan gobolka Banaadir, waxaa yaab leh, inay ka jiifaan halganka xildhibaan Cabdullaahi Jaamac, oo cid kale oo gobolkaas u qeylineysaa aysan jirin. Ha ogaadeen, inay haystaan fursaddii ugu dambeysay ee ay xuquuqdooda ku dhacsadaan, waana inay garab istaagaan Cabdullaahi Jaamac.

Xasan Sheekh, hadduu uu doonayo inuu Soomaaliya maamulo, waa inuu eegaa maskaxda iyo garaadka xildhibaan Cabdullaahi Jaamac, oo uu eegaa danta guud, iskana illaawaa danta shaqsiyeed ee ku dhisan inkiraadda labada milyan iyo barka degan gobolka Banaadir.

Xildhibaan Cabdullaahi Jaamac iyo Xasan Sheekh: Geesi garasho leh iyo 000000000.

Faallada Caasimada Online.

- Advertisement -

Read more

Local News