31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Jawaari oo deyriyay iyo Xasan oo ay kalsoonida ka dhamaatay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu wadaa in howlaha la xiriira doorashada dalka uu ku sameeyo faragalin dhankiisa ah, kadib markii culeysyo xoogan ay soo food-saaren.

Madaxweyne Xassan oo iminka howlaha doorashada intooda badan gacanta u galshay Guddoonka sare ee BFS, ayaa waxa uu iminka u muuqanayaa in kalsoonida ay ka dhamaatay kadib markii uu lasoo darisay shaki ku aadan hanaanka Guddoonka sare uu u daadihinaayo howlaha horseedi kara doorasho uu mar kale kusoo laabto Xassan Sheekh.

Xassan Sheekh ayaa rajo xumi kala kulmaaya dhinacyadii uu u adeegsanaayay howlihiisa doorasho, waxaana lagu wadaa in wakhtiyada dhow uu la imaan-doono farsamo kale.

Guddoomiyaha BFS, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa goor sii horeysay Xassan Sheekh ku wargaliyay in dhanka BFS uu ka jiro caga jiid islamarkaana howlaha qaar ay yihiin kuwo aan soconeynin.

Jawaari waxa uu Xassan kula taliyay in mudada ka harsan doorashada iyo howlaheeda uu la imaado nidaamyo ka duwan kuwa hadda jira.

Arrintaani ayaa muujineysa in Xassan Sheekh iyo Jawaari ay ku jiraan xiliyo adag oo shaki galin kara in doorashada ay u dhacdo sida ay iyaga rabaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News