25.5 C
Mogadishu
Tuesday, January 20, 2026

Cali Cosoble oo jawaab siiyay madaxweyne Farmaajo: Xusuusta miyaa kuugu yar?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble oo qoraal soo saaray ayaa si adag ugu jawaabay Madaxweynihii hore ee dalka, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay jeediyay khudbad xasaasi ah oo uu ku weeraray dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad cakiran, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan gaajo iyo sicir-barar baahsan, sida uu hadalka u dhigay.

“Runtii waxaan darsay oo aan ogaaday in dalka uu ku jiro xaalad aad iyo aad u cakiran maciishadda oo kale qofka bishii 200 ama 300 qaadan jiray in aysan ku filneyn xittaa 500 oo dollar, welina mushaaraadkii uu halkiisii taagan yahay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Farmaajo.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dadka Soomaaliyeed waxay gaareen heer in maalinkii ay hal mar wax cunaan haddii ay nasiib leeyihiin ama maalin dhaaf waxaa lagu leeyahay mararka qaarkood caga-bararka xilligii uu dagaalka sokeeye aad u darnaa in hadda ay ka daran yahay”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Cali Cabdullahi Cosoble oo sheegay in Farmaajo uu la sheekeysanayo muraayad, isaga oo keli ah, maadaama saaxibadiisii ay banneeyeen garbihiisa.

“Farmaajow raggii aad soo wada shaqeyseen ma jirtaa cid weli kula socota? miyaadan intaa ku tusaale qaadan karin? Xoogaa xusuusta maa kuugu yar? Aaway Kheyre, aaway Rooble, aaway Fahad Yasin, aaway Kullane jiis, aaway wasiir Ducale Islaw iyo kuwii kale dhamaantood? Ma weli baad muraayadda la sheekeysataa?”. ayuu yiri Cali Cosoble.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray “Farmaajow ma taqaan waxa loogu yeero dadka sidaada oo kale u hadla ? Waxaa la yiraahdaa “bilaash xeyte”.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawaan uun dib ugu soo laabtay dalka ayaa bilaabay dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed iyo kulamo xasaasi ah oo uu la qaadanayo xildhibaannada, siyaasiyiinta & qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News