28.7 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

DF Soomaaliya oo ogolaatay in la qaybsado lacagta e-Visa iyo Somaliland oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

10Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo mar kale soo hadal qaaday arrimo ku aadan hirgelinta nidaamka cusub ee fiisaha elektaroonigga ah ee e-Visa ayaa muujisay dabacsanaan, maadaama nidaamka ay diideen Somaliland iyo Puntland.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Cali (Balcad) oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay ogoshahay in laga wada-hadlo dakhliga kasoo xarooda e-Visa, ayna diyaar u tahay in la qaybsado.

“Dakhliga e-Visa kasoo xarooda, dowladdu wadahadal ayay ka ogoshahay, wasaaradda maaliyaddana waxay diyaar u tahay in la qaybsado” ayuu yiri Wasiir Cali Balcad.

Dhinaca kale, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, wuxuuna ku taliyay in Somaliland loo celiyo dakhliga e-Visa ama la qaybsado lacagta, si aan loo dhibin dadka Soomaaliyeed ee u safraya maamulkasi.

“Waxaan hore u qoray in ay ila habboon tahay in dakhliga e-visa loo celiyo ama lala qeybsado Somaliland, si aan loo ciqaabin dadka musaafurka ah ee Hargeysa tegaya oo aan laba lacagood looga qaadin. Hadda sida Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar, laga soo xigtay Dowladda Federaalku diyaar ayay u tahay in dakhliga la qeybsado” ayuu yiri Yuusuf Garaad.

Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay in la joogo xiligii ugu fiicnaa ee la abuuri lahaa jawi wada-hadal oo deggan, si ay dhinacyadu u qaadaan tallaabooyin keeni xal waara.

“Waxaan qabaa in la joogo xilli ku habboon in wadahadal farsamo ay furaan Federaalka iyo Somaliland. E-visa iyo in ka badan ayaa laga wadahadli karaa” ayuu mar kale yiri.

Yuusuf Garaad ayaa intaa kus daray “Arrinta aan ka hadlayaa waxa keliya oo ay ku saabsan tahay xaqa qofka musaafurka ah. Inta kale ee la isku hayo waa mar kale iyo madal kale”.

- Advertisement -

Read more

Local News