Minneapolis (Caasimada Online) — Madaxda gobolka Minnesota ayaa si adag uga horyimid hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kadib markii uu ku dhawaaqay inuu si degdeg ah u joojinayo barnaamijka Temporary Protected Status (TPS) ee Soomaalida ku nool gobolkaas.
Temporary Protected Status (TPS) waa barnaamij federaal ah oo ka hor-tagaya in Mareykanka laga masaafuriyo dadka aan haysan sharciga joogtada ah ee kasoo jeeda dalal dhowr ah oo ay ka jiraan xaalado aan nabdooneyn, sida dagaallo ama masiibooyin dabiici ah.
Trump ayaa go’aankiisa u cuskaday eedeymo aan la xaqiijin oo la xiriira musuq-maasuq iyo falal burcadnimo. Tallaabadan ayaa walaac xooggan ku beertay qoysaska Soomaalida, waxayna dhalisay qaylo-dhaan kasoo yeertay mas’uuliyiinta, kuwaas oo sheegay in go’aankani uu si gaar ah u beegsanayo bulsho dhan, xilli uu saameynayo tiro yar oo ah dadka haysta TPS-ka.
Qoraalka Trump ayaa si gaar ah diiradda u saaray Soomaalida Minnesota, halkaas oo hoy u ah bulshada Soomaaliyeed ee ugu badan Mareykanka. Inta badan dadka halkaas deggen waa muwaadiniin Mareykan ah ama waxay haystaan sharciyo kale oo rasmi ah (Green Card).
Dadka dhaliila siyaasadda Trump ayaa ka digaya in hadalkiisu uu sii kordhin doono cabsida, isla markaana uu hurin doono naceybka ka dhanka ah Muslimiinta, iyadoon loo eegin xilliga ama sida ay u dhaqangali karaan is-beddelladaas siyaasadeed.
Eedeymaha musuq-maasuqa
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social 21-kii November, ayuu Trump ku tilmaamay Minnesota inay tahay “xudunta falalka lacag-dhaqidda iyo khiyaanada.” Wuxuu sheegtay in “burcad Soomaali ah ay argagax gelinayaan dadka gobolkaas, isla markaana balaayiin dollar la la’yahay.”
Ma uusan soo bandhigin wax caddeyn ah oo taageeraya eedeymahaas, mana jiro xiriir rasmi ah oo uu muujiyay inuu ka dhexeeyo musuq-maasuqa uu sheegay iyo dadka ka faa’iideysta barnaamijka TPS-ka.
“Anigoo ah Madaxweynaha Mareykanka, waxaan halkan si degdeg ah uga joojinayaa barnaamijka TPS Soomaalida Minnesota,” ayuu qoray, isagoo tallaabadan ka dhigaya jawaab laga bixinayo dambiyo iyo khiyaano uu sheegay inay ka dhan yihiin barnaamijyada daryeelka bulshada.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Minnesota, Keith Ellison, ayaa sheegay in Trump uusan sharci ahaan awood u lahayn inuu TPS ka joojiyo “hal gobol oo kaliya,” ama uu go’aankaas ku saleeyo “naceyb shakhsi ah.” Ellison ayaa wacad ku maray inuu qaadi doono tallaabooyin sharci ah oo looga hortagayo arrintan.
Qoraal uu soo dhigay barta X (Twitter), ayuu Ellison ku ammaanay Soomaalida inay yihiin “qayb muhiim ah oo ka mid ah gobolkeenna, dhaqankeenna, iyo bulshadeenna,” isagoo madaxweynaha ku eedeeyay inuu adeegsanayo xeelado cabsigelin iyo eedeyn aan sal lahayn.
Senator-ka laga soo doorto Minnesota ee Federaalka, Tina Smith, ayaa sidoo kale ku celisay dhaliishaas. “Tani waa tallaabo caado u ah Donald Trump; wuxuu weerarayaa bulshadeenna Soomaaliyeed sababtoo ah wax kale oo uu qabto ayuu waayay habeenkan Jimcaha ah. Waa dabeecaddiisa, laakiin ma aha cidda aynu nahay,” ayay ku tiri war-saxaafadeed.
Farah Ali, oo ah suxufi Soomaali-Mareykan ah oo deggan Minnesota, ayaa u sheegay Somalia Today in sheekada musuq-maasuqa loo qorsheeyay in dadka deriska ah la isaga horkeeno, halkii xal loogu heli lahaa dhibaato dhab ah.
“Eedeymahani waa dacaayad (propaganda) ka dhan ah bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farah. “Ujeedku waa in dadka kale ee deegaanka laga dhigo kuwo ka shakisan Soomaalida, lana iska horkeeno bulshooyinka. Cidna ma hayso caddeyn dhab ah oo muujinaysa in lacag laga diray Minnesota oo loo gacan-geliyay Al-Shabaab. Haddii taageerayaal caynkaas ah ay halkan joogi lahaayeen, mar hore ayay xabsiga ku jiri lahaayeen.”
“Waxaan weerarradan midigta-fog u arkaa Islaam-naceyb iyo cunsuriyad,” ayuu raaciyay. “Waa sidoo kale isku day lagu doonayo in lagu wasakheeyo sumcadda Barasaabka Minnesota, maadaama uusan la wadaagin aragtidooda ku aaddan hawlgallada Waaxda Socdaalka iyo Kastamada (ICE).”
Barnaamij yar, balse bulsho weyn
TPS waa barnaamij federaal ah oo la sameeyay 1990-kii, kaas oo siiya sharci ku-meel-gaar ah iyo ruqsad shaqo ajaanibta u qalma ee ka yimid waddamada ay aafeeyeen colaadaha ama masiibooyinka dabiiciga ah.
Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay heshay TPS 1991-kii markii uu dagaalka sokeeye ka qarxay dalka. Maamulka Biden ayaa kordhiyay, dibna u qoondeeyay TPS-ka Soomaaliya sanadkii 2024, iyadoo wareegga hadda socda uu ku egyahay Maarso 17, 2026.
Warbixin dhowaan kasoo baxday Adeegga Cilmi-baarista Koongareeska (Congressional Research Service) ayaa lagu qiyaasay in kaliya 705 qof oo ku dhashay Soomaaliya ay dalka Mareykanka oo dhan ku haystaan TPS. Taas beddelkeeda, boqolaal kun oo u dhashay dalalka Haiti iyo El Salvador ayaa ka faa’iideysta barnaamijkan.
Qareennada socdaalka ayaa sheegaya in ballanqaadka Trump ee ah inuu “si degdeg ah” u joojinayo TPS-ka Soomaalida ee hal gobol ay hubaal la kulmi doonto caqabado dhanka sharciga ah, maadaama TPS ay tahay qoondeyn qaran oo uu maamulo sharciga federaalka, balse aanu gobol gaar ah maamulin.
Minnesota waxay ahayd xarun muhiim ah oo ay tagaan Soomaalida tan iyo 1990-meeyadii. Xogta tirakoobka ayaa muujinaysa in in ka badan 63,000 oo qof oo ku nool gobolka ay sheegteen inay asal ahaan kasoo jeedaan Soomaaliya.
Tobanaan sano gudahood, waxay dhisteen xarumo ganacsi, masaajiddo iyo xarumo bulsho, waxayna ku guuleysteen xilal la isku doorto oo heer degmo, gobol iyo federaal ah, inkastoo ay la kulmeen dhibaateyn cunsuriyadeed iyo isku dayo lagu doonayo in lagu joojiyo dejinta qaxootiga.

