Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay kulan gaar ah magaalada Muqdisho kula yeeshay xildhibaanno ka tirsan labada gole ee baarlamaanka ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, isaga oo weerar culus ku qaaday dowladda federaalka Soomaaliya.
Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu ku jiro xaalad cakiran, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay wajahayaan gaajo iyo sicir barar baahsan, sida uu hadalka u dhigay.
“Runtii waxaan darsay oo aan ogaaday in dalka uu ku jiro xaalad aad iyo aad u cakiran maciishadda oo kale qofka bishii 200 ama 300 qaadan jiray in aysan ku filneyn xittaa 500 oo dollar, welina mushaaraadkii uu halkiisii taagan yahay” ayuu khudbaddiisa ku yiri Farmaajo.
Madaxweyinhii hore ee dalka ayaa xusay in xaaladda uu waddanka u maraayo aan indhaha laga qabsan karin, isla markaana sicirka bararka jira uu ka daran yahay kii horay loo arkay.
“Dadka Soomaaliyeed waxay gaareen heer in maalinkii ay hal mar wax cunaan haddii ay nasiib leeyihiin ama maalin dhaaf waxaa lagu leeyahay mararka qaarkood caga-bararka xilligii uu dagaalka sokeeye aad u darnaa in hadda ay ka daran yahay” ayuu sii raaciyay.
Sidoo kale, wuxuu soo jeediyay in la sameeyo labada qodob, midda koowaad in shaqaalaha dowladda iyo ciidamada loo kordhiyo mushaaraadka iyo in maciishadda soo dageyso laga yareeyo canshuuraha, si qiimaha hoos loogu dhigo, dadkuna ay awoodaan inay iibsadaan.
“Waxaan sameyn karnaa laba arrimood qiyaastii kow ciidamada qalabka sida iyo shaqaalaha dowladda inaan mushaarka u kordhino oo bajadka lagu daro, maxaa yeelay nolol kuma noola, marka labaadna maciishadda imaaneysa oo weliba cuntada ah in laga yareeyo canshuurta, si dadka saboolka ah ay u awoodaan nolol maalmeedkooda” ayuu yiri
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo indhawaanahan dhaqaale xumo ay ka cabanayeen dadka deggan Muqdisho, taas oo keentay in magaaladu gasho xaalad cakirnaan ah, waxaana hoos us dhacayay marba marka ka dambeysa dhaq-dhaqaaqa guud ee ganacsiga.

