Cali Cosoble oo shaaciyey sabab aan lagu boobi karin doorashada Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay doorashada lagu qabanayo magaalada Beledweyne ayaa sheegay inay aad u yar tahay suurta-galnimada in dad gaar ah loo boobo kuraas.

Waxa uu sheegay in hanaanka doorashada ee Beledweyne isha lagu wada-hayo, maadama dhawaan la shaaciyay in heshiis ka gaareen xiisadii taagneyd madaxweynaha HirShabelle iyo beesha Xawaadle.

“Uma maleynayo in dadkii oo taagan la boobi karo kuraastooda, oo sida la ogyahayna Beledweyne waa magaalo ay sahlan tahay inay xasarad ka kacdo, oo meeshaas buuq ka yimaado, haddii dadka ay arkaan in doorashada hanaankeeda la leexiyo,” ayuu yiri.

Sidoo kale Cali Cabdullahi Cosoble ayaa yiri, “Ilama aha in madaxweyne Cali Guudlaawe uu Beledweyne u aaday inay ka dhacdo doorasho dulmi ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in shakiga u weyn ee ku gadaaman doorashada Beledweyne ay tahay kursiga uu doonayo Fahad Yaasiin oo saaxiibo dhow ay yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Hase yeeshe ay adag tahay in xiligaan kursigaas hanaan boob qaawan ah lagu saaro Fahad, maadama ay aad u soo jeedaan dadka reer Beledweyne oo indhaha ay ku hayaan hanaanka loo maamulayo doorashada.

“Ninkaas (Fahad) koley dadkaas waa u dhashay, xildhibaana hore waa ugu fadhiyay kursigaas oo reer Beledweyne ah oo dadkii deegaanka ahaa oo umadda oo dhan aad u yaqaana. Kursigaas waa midka u weyn ee shakiga keenaya, maadama uu saaxiibkii yahay Farmaajo. Labada Nin waa isku reer oo deegaankii ah, umadda ayaa marqaati ka noqon doonta, koley waa u maleynayaa in Faarax uu ku dadaali doono in kursigaas uu ceshado,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cosoble.

Cali Cosoble ayaa hore ugu baaqay in laga wada-shaqeeyo sidii magaalada Beledweyne uga dhici laheyd kuraasta doorashada Golaha Shacabka, xilli ay muddo labo asbuuc ah ka hadhsan tahay waqtigii loo qabtay in lagu soo gaba-gabeeyo.

Si kastaba, doorashada Beledweyne ayaa ah mid si weyn indhaha loogu hayo, ayada oo Guudlaawe uu ballan-qaaday in doorashada ka dhaceysa magaaladaas oo ah deegaan doorashada labaad ee maamulkaas ay noqon doonto mid daah-furan oo cadaalada ah.