Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada kuraasta HOP#025 iyo HOP#081

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug waxaa maanta lagu wadaa in lagu qabto doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan kuraasta HOP#025 iyo HOP#081.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee doorashada labadaan kursi ayaa haatan ka socota caasimada Galmudug ee magaalada Dhuusamareeb.

Kursiga HOP#025 oo ay ku fadhisay Naciima Maxamed Gacal, balse aan hadda qayb ka aheyn tartanka, maadaama kursigan laga wareejiyey qoondo hawween ayaa waxaa ku tartami doono Maxamed Abuukar Cali (Jacfar) oo ah Guddoomiyaha Degmada Dayniile iyo musharrax Xasan Cali Cusmaan.

Sida la filayo waxaa kursigan loo wadaa Jacfar oo maalmihii u dambeeyey dadaallo xoogan ka wadan magaalada Muqdisho iyo Galmudug.

Sidoo kale kursiga kale ee HOP#081 oo ay horey ugu fadhisay Maryan Cariif Qaasim ayaa waxaa ku tartami doono musharixiinta Cadar Cali Maxamed iyoNasro Maxamed Dalabey.

Caasimada Online ayaa ogaagatay in sidoo kale kursigan loo wado musharrax Cadar Cali Maxamed oo si gaar ah loogu xiray, si ay ugu biirto baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Doorashada kuraastan ayaa qayb ka ah xubnaha Baarlamaanka kasoo galaya dhinaca dowlad goboleedka Galmudug, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb.

Si kastaba, doorashada Golaha Shacabka ayaa la filayaa in lasoo gabagabeeyo ka hor 25-ka bishan, iyadoo kadib la dooran doono guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka.