Haweeney xaamilo aheyd oo si arxan darro loogu dilay Galgaduud + Sababta

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil haweeney xaamilo aheyd loogu geystay gudaha deegaanka Kaxandhaale oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale la dhaawacay mid kale.

Falkan arxan darrada ah ayaa waxaa la sheegay inay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo ka baxsaday goobta, kadib dhacdadaasi.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Hodan Cabdi Jaamac waxaana ay ka mid aheyd qoysaska xoolo dhaqatada ah ee ku sugan halkaasi.

AUN Meydka marxuumadda ayaa waxaa goobta kasoo qaaday ehelladeeda, waxaana isla maanta la geeyey magaalada Gelinsoor, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka

Sida ay ogaatay Caasimada Online falkan ayaa saka ku haya dilal la xiriira aano Qabiil oo ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka oo ka hadlay dilka haweeneydan ayaa ku tilmaamay inuu yahay wax laga xumaado, waxaana ay fareen saraakiisha laamaha ammaanka inay sameeyaan baaris dheeraad ah si loo soo qabto maleeshiyaadka.

Galgaduud ayaa waxaa inta badan kusoo noq-noqda colaad beeleedyada, waxaana maalmihii u dambeeyey dagaallo qaraar ay ka dhaceen qaybo ka mid ah gobolkaasi.