Maxay ka dhigan tahay in askar badan ay noqdaan xubno baarlamaan?

By Saalax Saciid Sabriye

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa soo badanaya tirada shaqsiyaadka ciidanka ah ee ku soo baxaya doorashada Golaha Shacabka ee ka socota Soomaaliya.

Waxaa u dambeeyay Maxamed Abuukar Jacfar oo maanta ku soo baxay kursiga astaantiisu tahay HOP025 ee ay doorashadiisa ka dhacday Dhuusamareeb.

Jacfar oo ah guddoomiyaha degmada Dayniile ee Muqdisho ayaa ka mid ahaa ragga ku caan baxay abaabulka ciidankii la magac baxay Badbaado Qaran ee diiday muddo kordhintii uu ansixiyay Golaha Shacabka uu muddo xileedkiisa dhammaaday.

Waxaa sidoo kale kuraas xildhibaannimo soo helay Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon), taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir, kaasoo lagu xusuusto dowrkii uu ku lahaa dagaalkii April 2021 ka dhacay.

Yaasin Cabdullaahi Farey, taliyaha kumeelgaarka ah ee hay’adda NISA, ayaa horay ugu soo baxay kursiga 067 ee doorashadiisa ay ka dhacday Dhuusamareeb, inkastoo la hakiyay natiijada kursigaas, balse markii dambe la fasaxay.

Cabdullaahi Aadan Kulane, madaxii shaqaalaha ee NISA kana mid ah saraakiisha ugu awoodda badan hay’addaas, ayaa isna u sharaxan mid ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee taala Galmudug.

Galmudug ayaa noqotay deegaanka ay saraakiisha ugu badan ee ciidanka ah ka soo galaan Golaha Shacabka.

Hadaba maxaa ka dhalan kara in saraakiil u badan da’ dhexaad inay ku biiraan Golaha Sharci dejinta dalka? Waxaan su’aashaas u bandhignay Cabdisalaam Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee NISA, ahna falanqeeye arrimaha amniga.

‘Khatar weyn ayay leedahay ciidameynta Golaha Shacabka Soomaaliya. Welibana waa kala yihiin ee nooca ciidan ee maanta ku biiray baarlamanka iyo qaabka ay ugu uga mid noqdeen ayaa ah mid hoos u dhigi doonta awoodda metelaad ee kuraasta ay ku fadhiyaan,” ayuu yiri Cabdisalaan.

Waxa uu intaa raaciyay in khibradooda ciidan iyo da’da ay tahay arrin muhiim u ah shaqada loo igmaday.

‘Haddii askarta ay ahaan lahaayeen kuwo khibrad badan leh oo da’ ah, dhib kama imaan lahayn oo waxaan filayaa in ay xitaa ka damqasho wanaagsanaan lahaayeen xildhibaannada rayidka ah, balse ragga aan hadda ka hadleyno labaduba ma laha waana kuwo si aan daah-furnayn ku soo qaatay kuraasta,” ayuu hadalkiisa raaciyay Cabdisalaan Guuleed.

Waxaa jirta dood ah in saraakiisha doonaya xildhibaannimada ay rabaan inay sidaa ku helaan xasaanad baarlamaan, maadaama ay dhici karto in lagu soo oogo dacwado ku aaddan falal dhacay sanadihii la soo dhaafay.

Qodobka 70-aad ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa ka hadlay xasaanadda xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka. Waxaa ku xusan iin xildhibaanka aan la xiri karin iyadoo aan oggolaansho laga haysan golaha shacabka, marka laga reebo in la qabto isaga oo gacmaha kula jira fal dembiyeed.

Doorashada xildhibaanadan iyo kuwa kale ee sharaxan ayaa hadal hayn badan ka dhalisay bulshada dhexdeeda iyo waliba saxaafadda, iyada oo xitaa uu jiro kaftan maad ah oo caan ah oo laga sameeyay dadka baarlamaanka soo galaya sanadkan.