Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Dowlad-goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Cosoble o qoraal soo saaray ayaa ka hadlay arrimo la xiriira dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan halganka ciidamada Macawiisleyda ee Xawaadle.
Cali Cosoble ayaa si weyn u boggaadiyay doorka ciidanka xaq-u-dirirka deegaanka ee ku sugan Hiiraan, wuxuuna tilmaamay in maanta ay lamid yihiin reer Falastiin oo kale.
Sidoo kale wuxuu aad u dhaliilay beelaha kale ee Soomaalida oo uu ku eeeeyay inay ka gaabiyeen dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab oo halis ah ku ah guud ahaan dalka.
Siyaasiga Cali Cosoble oo hadalkiisa sii wata ayaa Al-Shabaab la mee dhigay Israa’iil, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in meel looga soo wada jeesto, la’iskana dhiciyo.
“Xawaadle wuxuu maanta la mid yahay Falastiin. Somalidii kalana wexey la mid noqotay Carabta cabsaneysa. Shababna wexey la mid yihiin Israil” ayuu yiri Cali Cosoble.
Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, xilli haatan Al-Shabaab ay qabsadeen degmada Moqokori oo muddo dheer ay ka difaacayeen Macawiisleyda Beesha Xawaadle, balse ugu dambneyn maalin ka hor ay la wareegeen cadowga, kadib dagaallo culus oo ka dhacay magaaladaasi.
Macawiisleyda Xawaadle oo wacdaro ka dhigay furimaha dagaalka ayaa haatan tirsanaya eedeymo waawayn oo ay ujeediyaan Dowladda Dhexe, maadaama aan lagu taageerin, laguna garab siin halganka adag ee ay kula jiraan kooxaha Khawaarijta.
Si kastab, dagaalka ayaa weli sii socda, waxaana haatan socda abaabul culus oo lagu doonayo in Al-Shabaab dib looga saaro Moqokori, kaas oo uu hoggaamiyo Cali Jayte Cismaan oo haatan ku sugan furimaha dagaalka, gaar ahaan aagga degmada Maxaas.