CALI DHEERE oo la sheegay ‘inuu ku dhacay’ CANCER

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhacay xanuunka Kansarka, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo sheegay inuu helay xogo amni.

Sanyare oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa sheegay in xogo lagu kalsoonaan karo oo ay heleen ay ku ogaadeen in xaalad halis ah uu ku sugan yahay Sheekh Cali Dheere oo muddo fog ah afhayeenka dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray in afhayeenka uu si xun u haleelay xanuunka Kansarka, isla-maraakan uu haatan la daala dhacayo xaalad aad u adag.

“Xogo Amni oo lagu kalsoonyahay oo aan helnay waxay tibaaxayaan in Afhayeenkii Argagixisada Al-shabaab Cali Dheere uu ku dhacay Xanuunka Cancer-ka ilaa hadana uu la daala dhacayo oo uu si xun u haleelay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha Mudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxaa bishaaro iyo guula in dhiigii umada islaamka ah uu ilaahay ka soo saaray dushooda Aakhirana ay sugayso Cadaab daran oo looga gudayo waxii dhibaato ay aduunka Ugu gaysteen Umada islaamka ah.

Cali Dheere ayaa in muddo ah kasoo muuqan warbaahinta, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara xaaladda dhabta ah ee uu haatan ku sugan yahay.

Si kastaba illaa iyo ma jiro hadal rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan xaaladda caafimaad ee afhayeenkooda, maadaama la soo wariyey inuu ka dhacay Kansar.