Xog: R/W Rooble oo xilal ku abaal mariyey qaar ka mid ah madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu xilal agaasimeyaal guud oo dowladda dhexe ah siiyay Madaxweynayaasha maamul gobaleedyada qaar. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Cali Guudlaawe uu geestay agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dhowaan la magacaabay. Qoor Qoor ayaa sidoo kale geestay agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka ee dhowaan la magacaabay, halka Mahdi Guuleed uu geestay agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta. 

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu isagana keensaday agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaanshaandhigga Soomaaliya, kaasoo ay qaraabo dhow yihiin.

Si rasmi ah looma oga sababta, hase yeeshee waxaa soo baxaya in ay jiri doonaan agaasimyaal kale oo ka imaan doona maamulada kale ee harsan sida Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Madaxda maamul gobaleedyada oo ka faa’ideysanaya xiliga kala guurka ah iyo culeysyada heesta ayaa la sheegay in ay damacsan yihiin in ay isaga yareeyaan magacaabista xilal kala duwan, kuwaasoo ka dhici doona dowladda dhexe iyo maamulada dhaxdooda. 

Rooble ayaa kahor magacaabistan wuxuu wasiirada dowladda ka reebay inay sameeyaan wax magacaabis agaasimeyaal ah, isaga oo si toos ah ula wareegay awoodihii wasiirada xukuumaddiisa.