Gen. Biixi oo sheegay xilliga dalka lagu soo celin doono dhalinyarada ku maqan Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo wax laga weydiiyey arrinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ee warkooda lala’yahay ayaa sheegay in dhalinyaradaas iyo kuwo tababar u jira dalal kale oo caalamka ah dib loo soo celin doono markii ay soo dhameystaan tababarrada u socda.

Taliyaha oo u waramay Radio Muqdisho ayaa ka meermeeray inuu si toos ah uga warbixiyo dhalinyarada la weysan yahay ee dowladdu u qaaday dalka Eritrea, balse waxa uu si adag u beeniyey in ciidan Soomaaliyeed oo tababar ku maqan ay ka dagaalameen dal kale.

“Xaqiiqadu waxay tahay ciidan uu dal tababar u dirsaday, wadan kale dagaal ma geli karo, boqolaal kun oo ciidan ayuu leeyahay dalka Eritrea, marka waxaba ugama baahna ciidan dal kale, cid u ogolaaneysana maba jirto, marka waa been, mana dhici karto in ciidankeenii uu dagaal galay,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliye Biixi in dowladdu ay soo celin doonto ciidamada tababarrada uga maqan dalka markii ay dhameystaan tababarkooda, isagoo waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay is dejiyaan oo aysan rumeysan wararka suuqa ku jira.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo war iyo wacaal toona laga waayey, dowladuna ay dhagaha ka fureysatay in jawaab waafi ah ay ka bixiso nolosha ama geerida dhalinyaradaas.

Hadal heynta iyo baadigoobka dhalinyaradaas ayaa soo cusboonaatay todobaadkii hore markii hey’adda xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ay soo saartay warbixin sheegeysa in ciidan Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee waqooyga dalka Itoobiya.

Hoos ka dhageyso wareysiga