Nairobi (Caasmada Online) Raysal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cali Maxamed Geedi oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa caawa ka hadlay arrimo badan oo ay ku jirto aragtidiisa ku saabsan raysal wasaaraha cusub.
Isagoo la hadlaayay Idaacad ku taalla Muqdisho, ayuu sheegay Cali Geedi in uu soo dhawenaayo raysal wasaaraha cusub Cabdiweli Sheekh Axmed, wuxuuna ku sifeeyay qofkii ku haboonaa ee maanta xilkaas qaban lahaa.
Wuxuu sheegay oo kale in uu la soo shaqeeyay raysal wasaaraha cusub isla markaana aqoon buuxda uu u lee yahay.
“Raysal Wasaaraha cusub Cabdiweli Axmed Sheekh muddo igu filan ayaan aqaanay, waan isla la soo shaqeenay, waa nin ka soo jeeda dad laga yaqaano dalka iyo dibedda, waxa ay ila tahay waa qofkii ugu haboonaa ee xilligan hoggaamin lahaa Soomaaliya” ayuu yiri Cali Geedi.
Cali Geedi ayaa talooyin muhiim ah siiyay RW Cusub
Wuxuu marka horre kula dardaarmay in uu raysal wasaaraha cusub ka fiirsado xukuumada cusub ee uu soo dhisaayo isla markaana uu wadatashiyo kala yeesho bulshada qaybaheeda kala duwan iyo maamulada dalka ka jira, Puntland, Galmudug, Ximin iyo Xeeb, Jubba.
Wuxuu kaloo uu yiri Cali Geedo waa in raysal wasaaraha cusub uu tagaa magaalooyinka Baydhabo, Kismaayo, Garoowe, Beledweyne iyo dhammaan magaalooyinka xorta si uu ugala soo tashto dadka ku dhaqan xukuumada uu soo dhisaayo.
Cali Geedi ayaa kula taliyay raysal wasaaraha cusub in uusan ku shaqeen fikir koox ama shaksi uu lee yahay balse ku shaqeeya dastuurka dalka isla markaana uu fuliysida qoddobada ku qoran.
Cali Geedi waxaa kaloo uu ka codsadya ra’iisal wasaaraha cusub in uusan xukuumada cuusb ku soo darin golihii wasiiradii horre.
Wuxuu sheegay in ay ayaan daro tahay wasiir maalintii kalsoonida lagala laabanayay raysal wasaare Saacid iyo xukuumadiisa fadhiyay kulankii baarlamaanka oo haddana lahaa xukuumada waa ay fashilantay.
“Wasiirada u maleeya in uu raysal wasaare Saacid kaligiis fashilmay ma ahan raysal wasaare kaliye ayaa fashilmay ee macnaheedu waxa weeyeaye xukuumadiisa ayaa fashilatay waana ay ku jiraan kuwaas sheegay fashilka” ayuu yiri Cali Geeedi.
Ugu dambeyn ra’iisal wasaarihii horre, ayaa madaxweynaha ka cosaday in uu u madax baneeyo shaqadiisa raysal wasaaraha cusub maadama horrey loogu eedeeyay in uu qabtay shaqadii raysal wasaarihii horre.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

