Nairobi (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa weerar kooxo hubeysan ay caawa fiidkii ay ku qaadeen baabuur nooca Mini Bas-ka oo ay la socdeen Kenyan iyo Somalia.
Inta la ogyahay shan qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhimmatay weerarka in ka badan 25-kalena waa ay ku dhaawacmeen sida ay goordhow sheegen saraakiisha caafimaadka isbitaalku dhow xaafadda Pangani oo ah goobta uu qaraxa ka dhacay.
Weerarka oo ka dhacay meel 100km u jirta saldhig boolis oo ku yaalla xaafadda ay Soomaalida ku badan tahay Islii ee Nairobi.,waxaana lagu weeraray baabuur nooca matatu.
Waxaa laga deyrinayaa qaar ka mid ah dadka dhaawaca sida ay lee yihiin saraakiisha caafimaadka iyo booliska.
Qaraxa kaddib ayaa la sheegay in ay goobta soo gaareen ciidamo boolis ah kuwaasoo baartitaano wada.
Weerarkan ayaa ku soo aadaya iyadoo xaley kooxo hubeysan ay weerar ka geesteen magaalada Wajeer oo ka tirsan gobalka Waqooyi Bari Kenya.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi

