26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Wariyaasha Muqdisho oo shaqadooda u joojiyay maanta in ay baaraan Eeyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Qaar ka mid ah wariyaasha ka shaqeeya Idaacadaha gudaha iyo kuwa caalamka ee ka howgalla Muqdisho ayaa maanta howshoodii u joojiyay in ay baaraan eeyo, kaddib markii saraakiil ka socday hey’addaha sirdoonka Maraykanka ay ka shakiyeen qalabka ay wateen wariyaasha.

Arrintan ayaa dhacday markii maanta wariyaal doonayay in ay ka qaybgalaan shirka jaraa’id ee xoghayaha guud ee arrimaha dibedda Maraykanka u qaabilsan Maraykanka Linda Thomas-Greenfield oo maanta booqasho gaaban ku timid Muqdisho.

Wariyaasha oo dhowr saacadood baaritaan Scan ah la marsiiyay ayaa markii dambe loo sheegay in qalabkooda laga shakiyay sidaas darteedna Eeyo jooga garoonka diyaaradaha Muqdisho ay baaraan qalabkooda.

Arrintaas waxaa ka goos adeegay suxufiyiintii joogay goobta shirka jaraa’id, waxaana ay sheegeen haddiiba ay sidaas tahay in aysan ka qaybgaleynin shirka jaraa’id oo ay ka tagayaan.

Wariyaasha maanta shaqadooda laga carqaladeeyay ayaa madaxda dowladda gaar ahaan baarlamaanka ugu baaqay in ay arrintan ka dooddaan isla markaana wax la qabto maadama ay yihiin muslimiin.

Ma ahan markii ugu horreysay  oo suxufiyiinta Soomaalida howshoodo caqabad looga dhigo in uu baaro eey marka ay soo dagaan wafuuda caalamiga.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News