CALI JEYTE oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab lagu wajahayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo maalmihii dambe ku sugna magaalada Muqdisho ayaa shalay booqday xarunta Aqalka Sare oo ay ku qaabileen guddoomiyaha Aqalka Sare, Senator Cabdi Xaashi, guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Cali Shacbaan iyo guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Cabdullaahi Timacadde.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa guddoonka Aqalka Sare uga warbixiyay halka ay marayaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda dalka, gaar ahaan gobolka Hiiraan ee uu ka yimid.

Jeyte ayaa waxa uu la wadaagay guddoonka muhiimada ay leedahay in dagaalka ka dhanka ah argagixisada la mideeyo oo saf ballaaran laga dhigo si meel kali ah aan culayska dagaalka loo saarin, islamarkaana looga guulaysto Al-Shabaab.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa uga mahad-celiyay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan doorka muuqda ee uu ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu ku hogaamiyay shacabka gobolka Hiiraan oo gacan ka helaya ciidamada xoogga dalka.

Guddoomiye Jeyte ayaa dhowr bilood ka hor howl-galo guuleystay ka bilaabay meelo kamid ah gobolkaas, waxayna ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay ku guuleysteen inay deegaano badan kala wareegaan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa uu guddoomiyaha qeyb ka yahay qorshaha la rabo in la iskugu xiro howl-galada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo ay haatan ka socdaan howl-galo culus.

Hiiraan ayaa xudun u ah kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo dalka, kaasi oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey kooxda argagixisada ah ee sanadaha badan ku xooganeyd deegaanadaasi.