Jubaland oo dil toogasho ah ku fulisay laba askari

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa maanta meel fagaare ah ku toogtay laba askari oo ka tirsanaa ciidamada ammaanka, kuwaas oo horey dilal uga geystay maamulkaasi, kadibna lagu xukumay toogasho ugu dambeyn lagu fuliyey.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland ayaa raggan oo labo ah ku heshay dilal ay horey si ula kac ah u geysteen, iyada oo maanta lagu qisaasay Kismaayo.

Labada nin ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Cabdulle Ismaaciil oo laggu helay inuu dil bareer ah u geystay Marxuum Cabdicasiis Axmed Iimaan iyo Cabdi Xasan Isaaq oo oo isna lagu soo eedeyey inuu horey si bareer ah ugu dilay Axmed Xuseen Cismaan.

Sidoo kale goobta lagu toogtay raggaan oo uu mid kamida ahaa nin da’ ah m halka kan kale uu ahaa wiil dhalinyaro ah ku sugnaa mas’uuliyiinta maxkamadda iyo dadweyne. 

Gaashaanle Dhexe Mowliid Axmed Yaasiin oo ah xeer ilaaliya maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Jubbaland oo toogashada kadib warbaahinta lahadlay ayaa shaaca ka qaaday in maxkamaddu ay gudatay waajibkeeda, islamarkaana ay sii wadi doonaan fulinta xukunada horey u rdday, si ay Ummaddau  ku kala nabad-gasho, cadaaladna loo helo.

Xeer ilaaliyaha ayaa dhanka kale digniin u diray askarta Jubbaland iyo kuwa dowladda ee ka howlgala deegaanada maamulkaasi, isaga oo ugu baaqay inay shacabka u turaan.

Jubbaland ayaa u muuqata inay qaaday dhabihii dowladda federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh, taas oo todobaadyadii ugu dambeeyey dardar-gelisay xukunnada dilka ah ee ay horey u ridday maxkamadda ciidamada qalabka sida, Somalia.