24.2 C
Mogadishu
Wednesday, July 30, 2025

Cali Khaliif Galayr oo Muqdisho tagay kuna eedeeyey DF dulminta Khaatumo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Maamulka Khatumo oo soo gaaray Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ujeedkiisu uu yahay sidii Mamulkiisu ugu raadin lahaa Hormarinta Degaanada Maamulkaasi ka taliyo.

Cali Khaliif, ayaa eedeen u jeediyay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, oo uu sheegay in wada-hadallada dowladda Soomaaliya ay kula jirto maamulka Somaliland lagu dulmiyey maamulka khaatumo.

Cali khaliif ayaa sheegay in wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland ay quseeyaan maamulka khaatumo, islamarkaana ay mudan yihiin in laga qeyb galiyo.

Galayr ayaa sheegay in arrintaas ay kala hadli doonaan madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha cusub.
Galayr waxa uu sheegay in Maamulkiisu tan iyo Magacabay uu qaaday hormarinta Degaanada Khaatumo.

Madaxweynaha maamulka Khaatumo, Prof, Cali Khaliif Gallayr oo madaxweynaha maamulka Khaatumo loo doortay 14-kii August ee sannadkan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News