Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan musuq-maasuq oo ku socday wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Xuseen Cabdi Xalane, ayaa laso geba gebeeyey.
Baaritaanka ayaa billowday kaddib amar ka soo baxay xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka qaranka.
Wasaaradda maaliyadda ee u hoggaamiyo Xuseen Xalane ayaa dhawaan wareejin doonta xilka, balse ka hor xil wareejinta howlaha wasaaradda ayaa la baaray, sida ku cad war qoraal ah oo hanti dhowrka qaran ka soo baxay, lana soo gaarsiiyey Caasimada Online.
Qoraalka hanti dhowrka guud ee qaranka kasoo baxay, waxa ka cad natiijada ka soo baxday baaritaanka lugu sameeyay wasaaradda maaliyadda.
Hoos ka akhri natiijadii ka soo baxday baaritaankii lagu sameeyey Wasaarada Maaliyadda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]