Cali Khaliif Galayr oo war cusub kasoo saaray wada-hadallada Khaatumo iyo Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Khaatumo Satate, Cali Khaliif Galeyr ayaa ka warbixiyey wadahadallada maamulkiisa uu kula jiro maamulka Somaliland, isaga oo waxbo kama jiraan ku sheegay in uu burburay wadahadalladaasi.

Waxa uu sheegay in maanta ay dib u bilaabanayaan wadahadallaasi, waxaana uu tilmaamay in wadahadalladaasi aanu ku keeni doonin wax aan qancin shacabka deggan gobollada Sool iyo Sanaag.

“Somaliland waan la hadleynaa, waa been ma burburin wadahadalladii ka socdey Jabuuti, kuwa leh waa burbureen wada hadalladii waabilaabanayaan, waa la wada hadli doonaa, waan ka bogan doonnaa, waqti badan bay qaadan, wax aan u cuntameyn dadka Khaatumo uma keeneyno” ayuu yiri Galeyr.

Sidoo kale Cali Khaliif ayaa sheegay in ka shaqsi ahaan aanu Somaliland ka dooneyn xil haba ahaadee Madaxweyne waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Wax yaalla Hargeysa oo aan anigu Cali ahayn u hunguriyoonaya ma jiraan, madaxweynaheeda ayaan ku qanceyn, wasiiradeeda ayaan ku qanceyn, ciidamadeeda xukun baan ku qanceyn, waxa kaliya ee aan ku qancayo waa aan nabad ku wada noolaanno” ayuu yiri Cali Khaliif.

Somaliland iyo Khaatumo ayaa marar badan ku wada hadlay dalka dibaddiisa, iyadoo ay jiraan qodobo muhiim ah oo Labada dhinac horey ugu heshiiyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com