Xog: Laba arrin oo sabab u ah inuu Shariif Xasan yimaado Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta si deg deg ah uga soo dagay Caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa Muqdisho u imaaday laba arrin dartood oo ay ugu horreyso khilaafka ka taagan ansixinta golaha wasiirada oo ay is hor istaageyn Xildhibaano badan oo uu horkacayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari.

Shariif Xasan iyo Jawaari oo kasoo wada jeedo Koonfur Galbeed ayaa Golaha wasiirada ka aaminsan laba Siyaasadeed oo kala duwan maadaama Jawaari uu kasoo horjeedo halka Shariif Xasan uu doonayo in si deg deg ah loo ansixiyo sida aan horey idinkula wadaagnay.

Khilaafka Shariif Xasan iyo Jawaari ayaa soo bilawday tan iyo markiii uu Jawaari isku soo taagay guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya markaas oo uu Sharif Xasan rabay in maamulka Koonfur Galbeed helaan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Haddaba Shariif Xasan ayaa labadaan sabab darteed u imaaday magaalada Muqdisho:

1)  Wuxuu doonayaa in si deg deg ah loo ansixiyo golaha wasiirada oo uu isaga horey u sheegay inuu taageersan yahay, halka xanta hoose ay sheegeyso in Shariif Xasan uu Jawaari kaga guuleystay loolanka golaha wasiirada iyo shaqsiyaadka Koonfur Galbeed u matalayo wasiirada, midaasna waxay keentay inuu Shariif Xasan difaacdo guusha uu Jawaari ka heysto.

2) Midda labaad oo uu Shariif Xasan Muqdisho u imaaday ayaa ah inuu xoojiyo Xildhibaanada ku kacsan jawaari kuwaas oo diyaarinayo mooshin xilka looga qaadayo, wuxuuna Shariif Xasan rabaa inuu booskas geliyo shaqsi ku siyaasad ah maadaama Jawaari uu horey u garab maray Shariif.

Shariif Xasan ayaa Muqdisho kulamo gaar gaar ah la qaadan doono Xildhibaanada ku abtirsado Koonfur Galbeed, wuxuuna ka dhaadhacsiin doonaa inay si deg deg ah u ansixiyaan golaha wasiirada.

Haddii uiu Shariif Xasan ku Guuleyst qorshahaan, waxaa caddaan doonto inuu Jawaari kalsoonida ka waayey Xubnaha baarlamaanka ee kasoo jeedo Koonfur Galbeed.

Wixii warar ah ee arrintan kusoo kordha dib ayaan idinkula wadaagi doonaa Inshaa Allah

 

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com