Qoraalkii uu jawaari u diray R/W Kheyre ma sharciga ayaa loo fiiriyey mise waa aragti siyaasadeed?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliyeed Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dhawaan waraaq u diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre taasoo fareysay ama ugu baaqeysay inuu wax ka badal ku sameeyo golaha wasiirada kadib markii ay dacawad kasoo gudbiyeen ilaa 100 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Haddaba markay sidas dhacday, waxaa lagu wareeray micnaha uu ka dhigan yahay qoraalka uu Jawaari u diray Ra’isulwasaare Kheyre iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameyn inuu ahaa (Amar) halka ay u fahmeyn inuu ahaa (Mooshin).

Haddaba waxay caasimada Online baaritan ku sameysay qoralkaas loo diray Ra’isulwasaaraha waxayna soo ogaatay inuu ahaa aragti Siyaasadeed oo uu Jawaari la wadaagayey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, ma aheyn amar wuxuuna awood u leeyahay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya inuu ku adkeysto in wasiirada Baarlamaanka la horgeyeyo.

Inkastoo ay aheyd aragti siyaasadeed, haddana meesha kama marno ujeedo gaar ah iyo qalqal siyaasadeed oo uu rabay inuu jawaari ku abuuro Ra’isulwasaaraha Soomaaliya iyo golihiisa wasiirada oo ah meesha uu muranka ka taagan yahay.

waxaa xusid mudan inuu jawaari waraaqdaas ku qoray inay soo gaartay dacwad ka socoto xubno baarlamaanka oo gaarayo ilaa 100 Xildhibaan kuwaas oo sheegay inay cabashadooda u cuksadeyn dhawr qodob, waxaana idinla wadaageynaa qodobadii ay cuksadeyn oo a sheegeyn inuu Kheyre jabiyey, balse dhab ahaantii aysan sidaas aheyn oo uu Ra’isulwasaaraha si sax ah usoo magacabay wasiiradiisa isagoo ku dhaqmayo dastuurka:

Qodobka koowaad ee Ra’isulwasaaraha lagu eedeeyey ayaa ah inuu jabiyey shuruucda xubunnimada golaha wasiirada, Haddaba hoos ka aqriso, shuruucda laga rabo qofka wasiir noqonayo, markaas firii haddii uu Ra’isulwasaaraha jabiyey mid kamid ah oo u soo magacabay shaqsi aan qodobadan kasoo bxii karin

Qodobka 98aad. Shuruudaha Xubinnimada Golaha Wasiirrada

Midda mugdiga geli karto waa qodobka 98-aad, farqigiisa 1-aad, qodobka (B) oo sheegayo inuu wasiirka heysto Shahaado Jaamacadeed, waana qodob ay adag tahay in la caddeeyo inuu wasiirka heysto Shahaado Jaamacadeed, maadaama dalka uusan laheyn diiwaan guud oo lagu diiwaangeliyo dadka Jaamacadadha ka baxo, sidoo kalana waxaa suuqa laga heli karaa Shahaado heer kasta ah, marka ma caddo inu Ra’isulwasaaraha jabiyey qodobkaan.

(1) Qofka qabanaaya xilka Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha iyo Ku-xigeenkiisa:

(a) Waa in aan da’diisu ka yaraan afartan (40) sano;

(b) Waa in Aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed

(2) Qofka loo magacaabayo Wasiir ama Wasiir Dawlo ama Wasiir-ku-xigeen:

(a) Waa inaan da’diisu ka yaraan soddon (30) sano;

(b) Waa in aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jaamacadeed

(3) Xubnaha Golaha Wasiirrada muddada ay xilka hayaan, waxaa ka reebban:

(a) In ay qabtaan xilal kale oo aan ahayn xilka xildhibaannimada Golaha Shacabka;

(b) In ay qabtaan meherad madaxbannaan, hawl ganacsi, maaliyadeed ama warshadeed oo u gaar ah;

(c) In ay iibsadaan ama ijaartaan hanti Dawladeed;

(d) In ay hantidooda ka gadaan ama ka ijaaraan Dawladda

Qodobka Labaad: Sidoo kale Xildhibaanada mooshinka keenay ayaa cuksaday qodobka 69, farqadiisa 2-aad kasoo caddeynayo awooda ay xildhibaanada u leeyihiin hubinta fulinta sharciga iyo qiimeynta hey’adaha kala duwan ee dowladda, haddaba hoos ka aqriso qodobka 69-aad ee dusturka soomaaliya oo dhameystiran

Qodobka 69aad. Awoodaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah

(1) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu leeyahay awood sharci-dejin oo ah:

(a) Inuu ansixiyo, wax ka beddelo ama diido sharciyada la horkeeno;

(b) Inu curiyo sharci kasta oo cusub oo aan ka ahayn kan la xiriira miisaaniyadda sanadlaha ah, kaas oo uu diyaarinayo Golaha Wasiirrada.

(2) Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka waxaa kale oo uu leeyahay awoodahan dheeriga ah ee soo socda:

(a) Inuu oggolaado ama diido guddiyada madaxa bannaan ee Ra’iisul-Wasaaruhu hor-keeno Golaha Shacabka; 21 JAMHUURIYADDA FEDERAALKA EE SOOMAALIYA

(b) Awoodda la-xisaabtaanka iyo kor-joogtaynta hay’adaha Dawladda ee Heerka Qaranka, gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqangelinta sharciyada dalka;

(c) U-yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa; (d) Inuu Ra’iisul Wasaaraha, xubnaha Golaha Wasiirrada iyo barnaamijika xukumadda kalsooni ku siiyo codayn gacan-taag ah ee aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1;

(e) Inuu cod aqlabiyadda tirada guud ee Golaha Shacabka 50% +1 oo gacan-taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’iisul-Wasaaraha iyo ku- xigeenka/kuxigeennada Ra’iisulWasaaraha;

(f) Doorashada iyo xil-ka-qaadidda Madaxweynaha sida ku cad Dastuurka;

(g) Hirgelinta muhiimadaha kale ee uu u oggolaadey Dastuurku, si loo hubiyo dhaqan-gelin habboon iyo dib-u-eegid Dastuurka.

Qodobka Seddexaad oo ay cuksadeyn Xildhibaanadii Mooshinka soo gudbiyey ayaa ah awood qeybsiga beelaha Soomaaliyeed oo ah arrin ka saameyn badan ku xadgudubka Dastuurka Soomaaliya, Sababtoo ah weli ma dhicin in hal qabiil ay isku qaataan Madaxweyne iyo Ra’isulwasaare, mana cadda qodobkaas marka laga hadlayo beelaha dhexdooda.

Waa arrin aad u adag marka ay timaado in jufooyinka dhexdooda loo qeybiyo xilalka, maadaama hab qeybsi beeleedka uu sheegayo in beel heysato Xildhibaan aan loogu dari karin Wasiir, waxaana macquul ah inuu Ra’isulwasaraha arrintas xad gudub ku sameeyey beelaha qaar, midaasna lagu tilmaami karo inay tahay sabab Xildhibaanada gaarsiin karto inay heer intaan la eg uga hor imaadaan golaha wasiirada, marka loo fiiriyo dhibaatada uu keeni karo jabinta qodobkaan.

Haddaba waxaan qoraalkii uu jawaari usoo diray Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ku tilmaami karnaa inuu yahay aragta siyaasadeed oo uusan aheyn mid sharci ah, wiuxuuna Ra’isulwasaaraha awood buuxda u heystaa inuu golihiisa wasiirada u gudbiyo baarlamaanka si uu u helo codka kalsoonida.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com