Sargaal ka tirsan hay’adda sirdoonka oo lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyaad Hubeysan ayaa goordhow Toogtay Sargaal ka tirsan Ciidamada NISA xili uu ku sugnaa Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Sargaalkaani ayaa waxaa dilay Maleeshiyaad ku hubeysnaa Bastoolada kuwaa oo dilka kadib ka baxsaday goobta.

Sargaalkaani ayaa waxaa rasaasta looga dhuftay qeybaha sare ee Jirka, waxaana la xaqiijiyay in lagu hubsaday ilaa 5 baalooto, sida laga soo xigtay goobjoogayaal.

Ciidamada Dowlada ayaa gaaray goobta dilka kadib waxa ayna halkaasi ka qaaden Meydka Askarigaasi la dilay xili uu ku gudajiray howlihiisa.

Marxuumka ayaa iska caabin sameeyay ka hor inta aan la dila, inkastoo rasaasta ay is weydaarsadeen aanu geysan khasaaro kel.

Dilkaani ayaa noqonaaya kii Afaraad oo ka dhacay magaalada Muqdisho, tan iyo markii lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com