Cali Khaliif Galayr oo war kasoo saaray khilaafka madaxda Khaatumo

Buuhoodle (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr ayaa waxa uu ka hadlay khilaafka u dhaxeeya maamulkaasi, gaar ahaan masuuliyiinta ugu sareysa.

Magaalada Buuhoodle maalin ka hor waxaa ka dhacay laba kulan oo Baarlamaan oo iska soo horjeeda, kuwaas oo dhinac kasta uu sheegay in masuuliyiinta Khaatuma uu xilka ka qaaday.

Kulankii ugu horeeyay ee ka dhacay magaalada Buuhoodle waxaa Baarlamaanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamuud Sheekh Cumar ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Maamulka Khaautuma Cabdulle Maxamuud Haybe (Cagalule) oo ay sheegeen in uu wado falal uu ku dhabar jabinayo masuuliyiinta maamulka Khauutuma iyo in uu is hor istaag uu ku sameeyo heshiisyada ay wada saxiixdeen maamulada Khaatuma iyo Somaliland.

Isla maalinkaas daqiiqado kadib kulan yeeshay garab kale oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Khaatuma oo iyana sheegay in ay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Khaatuma Cali Khaliif Galeyr iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana arrintaasi ay dhalisay xiisad siyaasadeed.

Cali khaliif Galeyr Madaxweynaha maamulka Khaatuma oo la hadlay HCTV ayaa waxa uu sheegay xiisad in ay ka taagan tahay magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer, arrintana laga soo maleegay magaalooyinka Muqdisho iyo Garowe.

Magaalada Buuhoodle hada waxaa ku wada sugan masuuliyiinta maamulka Khaatuma sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Khaatuma oo isku dhinac ah iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com