PROF. GALAYR oo si kulul uga hadlay doorashada P/Land iyo wasiirada DFS

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Cali Khaliif Galeyr ayaa caawa ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay doorashada Puntland iyo soo magacaabista xubnaha golaha wasiiradda cusub ee Soomaaliya.

Xildhibaanka oo la hadlay Idaacadda Goobjoog oo ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in doorashada Puntland uu kheyr u rajeenaayo iyo inay nabad ku dhacdo.

Bale waxaa aan la aqbali karin wuxuu ku tilmaamay in la sheegto goballo sameetay maamulka Khatuumo oo lagu mashquulo kuwaasoo ah Sool Sanaag iyo Ceyn sida uu yiri.

Cali Khaliif Galeyr ayaa ku eedeeyay madaxweyne Faroole iyo ku xigeenkiisa in ay gumaad ka geesteen deeganka Taleex sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna tilmaamay arrintaas in la is weydiin doono mar ay ahaataba.

Muxuu ka yiri soo magacaabista xubnaha golaha wasiirada cusub?

Cali Khaliif Galeyr ayaa sheegay madaxweynaha Soomaaliya in looga baahan yahay in uu joojiyo faragallinta uu ku hayo ra’iisal wasaaraha oo ku aadan soo xulista golaha wasiirada cusub.

Cali Khaliif Galeyr ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ay soo laabtaan wasiiradii horre ee xukuumadii Saacid, wuxuuna yiri “Waa nasiib daro in wasiiro lahaa xukuumadii Saacid waxbo ma qaban, haddana leh waan soo laabaneynaa arritaas weli lama maqlin” ayuu yiri.

Ugu dambeyn, wuxuu caddeeyay in guux weyn uu ka dhex jirro baarlamaanka gudihiisa oo ku aadan haddii ay soo laabtaan wasiiradii horre in aan la siin doonin wax kalsooni ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com