Dad Soomaali ah oo ku dhaawacmay dab xoogan oo ka kacay Minneapolis

Minneapolis (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Minnapluks ee gobalka Minta dalka Maraykanka waxa ay sheegayaan in halkaas uu ka kacay dab xooggan kaasoo geestay khasaaro naf iyo maal.

Duqa degmada Lixaad ee Minapulis Cabdiwarsame oo la hadlay VOA ayaa sheegay in 14-qof oo u badan dhallinyaro ay ku dhaawacmeen dabka, wuxuu kaloo sheegay in khasaaro uu soo gaaray masjidja Daarul Al-Hijra oo ku yaalla magaalada.

Wuxuu sheegay oo kale in dukaamo badan oo ku yaalay dhismaha oo kooban lix dabaq ay gubteen.

Cabdiwarsame oo ah nin Soomaali ah, ayaa xusay in ay socdaan baaritaano ku aadan siddii loo ogaan lahaa wax yaabaha sabahay dabka ka kacayArbacadii magaalada Minnapulis oo ah magaalada ay Soomaalida ugu badan Maraykanka ku noo shahay.

Waxaa goobta soo gaaray kooxaha gurmadka degdega kuwaasoo isku dayay in ay dambiyaan dabka xawli ku socday.

Waa dabkii ugu xoogganaa ee ka kaca magaalada Minneapolis sida uu sheegay Cabdiwarsame.

Ma cadda ilaa hadda wax yaabaha sababay dabka, waxaana dadka dhaawacmay loo qaaday isbitaalada si halkaas loogu daweeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimcada@live.com