Jawaari oo u digniin culus iyo dhaliil u jeediyay garyaqaanka guud ee DFS

Muqdisho (Caasimada Online) Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa dhaliilay howsha uu qabto xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka.

Isagoo ka hadlaayay xildhibaannada baarlamaanka ayuu sheegay in xafiiskaas uu qaribay dhammaan howshii uu hayay baarlamaanka sida uu yiri.

Wuxuu ku eedeeyay xafiiskaas wax qabad la’aan iyo go’aannada baarlamaanka uu gaaro oo uusan waxbo qaban.

“Waxaan rabaa in aan halkan ka sheegi xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka wuu dhaliilsan yahay wax ma qabto isagoo qaribay nidaamka barlamaanka” ayuu yiri Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa digniin u diray xafiiska garyaqaanka guud ee qaranka wuxuuna sheegay haddii muddo bil ah dib u habayn lagu sameen in ay tallaabo sharciga waa faqsan ka qaadi doonaan baarlamaanka.

“Muddo bil ah haddii aan dib u habayn lagu sameen xafiiska waxaa baarlamaanka uu ka qaadi doonaa tallaabo sharciga waa faqsan” ayuu yiri markale.

Xafiiskan ayaa loogu talagalay in uu dabagal ku sameeyo go’aanada uu gaaro baarlamaanka,balse waxaa soo baxday tan iyo markii la sameeyay baarlamaanka hadda jirra ee uu guddooomiyaha u yahay Jawaari in wax shaqo qaban.

Waa dhaliishii ugu horreysay oo guddoonka sarre ee baarlamaanka uu u jeediyo mid ka mid ha hey’addaha ugu sareeya dowladda oo lagu eedeeyo wax qabad la’aan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com