25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

FAROOLE ma mari doonaa waddadii Sh Shariif Sh? (Oddoros Siyaasadeed)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhacdooyinkii is daba joogga ahaa ee ayaamahaan ka imaanayay gobollada Puntland waxay ina xussusinayaan qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxtinimo ee Soomaaliya ee lagu kala baxay 10kii September 2012kii. Haddaan dib u yara jallecsanno dhacdooyinkii ka horreeyay ama hareeyay doorashadaas ka dhacday Dugsiga Sare ee Booliska ee magaalada Muqdisho maalintii Isniinta 10kii September  2012, waxaa inoo soo baxaya in waxyaabo badan ay isaga eg  yihiin labadaas doorasho marka laga reebo labada meelood ee ay ka kala dhacayaan iyo dabcan midda Garowe ka dhici doonta oo aan weli dhicin aanse oddoroskeeda gadaal ka sheegi doono annagoo ku saleynayna isla jaanqaadka ay tii Xamar isla jaanqaadeen iyo weliba cirib xumada ay leedahay gaboodfalka middaani tii Xamar dheertahay.

Waxaan goob-joog ka ahaa bilowgii soo xulista xubnaha baarlammaanka, ansixintii dastuurka iyo weliba bilowgii ololaha murashixiinta madaxtinnimada ee xilligaas ka socotay magalamadaxda anigoo la kulmay qaar badan oo xildhibaannadii iyo murashixiintii rajada qabay ahaa. Waxaan sidoo kale xilligaas la kulmay qaar badan oo ka mid ahaa odayaashii 35ka ahaa ee xildhibaannada soo xulayay iyo weliba wakiilladii 1000ka kor u dhaafayay ee ka kala yimid beelaha/gobollada Soomaaliyeed ee loo keenay inay dastuurkii la soo bandhigay indhaindheeyaan oo dhegadhegeeyaan ka dibna ra’yigooda ka dhiibtaan. Ha yeeshee, marka laga reebo la socoshadayda hoose iyo helista hadba meesha xaal marayo, goob-joog kama ahayn diyaarinta doorashadaan hadda Garowe ka socota iyo qabanqaabadeeda toona.

Haddaba anigoo soo koobaya saansaanta iyo isu ekaanshaha labada doorasho ayaan ku hormayaa isu ekaanshaha:

  • Labada madaxweyneba waxay gacan geliyeen oo saameyn xooggan ku sameeyeen (haba ku kala badnaadeen oo ha ku kala duwanaadeene) xulista xildhibaannada wax dooran doona iyo guddiga/odayaasha wax ansixin doona
  • Labada ninba waxay geed gaaban iyo geed dheerba u fuuleen sidii ay xukunka dib ugu soo noqon lahaayeen
  • Labada ninba waxay ayaamihii doorashadu soo dhoweyd la heshiiyeen labo nin oo ay aad u kala fogaayeen, loollan siyaasadeedna uu ka dhexeeyay (Shariif Hassan & Cadde Muuse) iyagoo labduba quud-darreynayay in heshiiskaasi codad badan u soo hoyin doono.
  • 22 murashax ayaa labada doorashaba u taagan/naa inay xilkaas loo tartamayo qabtaan
  • Tirada guud ee lagu eedeeyay inay labada madaxweyneba si xoog, xeelad iyo xoolo bixin isugu jirta ugu dareen xildhibaannada wax dooranaya oo ah/aa 21
  • Haba ku kala badnaadeene labada doorashaba waxaa ka qaybgelaya xildhibaanno degaannaday ka soo jeedaan aysan xukuumadda doorashada qabanaysa gacanteeda ku jirin oo maamullo kale gacanta ku hayaan kana arrimiyaan.
  • Kalsoonida buuxda ee kii horena ku qabay kan haddana uu ku qabo in doorashadu ay dhankooda u dhacayso ka dib dadaal xoog, xeel iyo xoolaba isugu jira oo ay labada ninba ku bixiyeen qaadista caqabadaha ka hor imaan kara oo dhan.

Iyadoo ay isu-ekaanshayaas kor ku xusan iyo kuwo kaleba wadaagaan labada doorasho, ayaan haddana la is barbardhigi karin soo jiidashada dadka iyo furfurnaanta labada nin gaar ahaan marka la eego  soo jiidashada cadwga. Sheikh shariif oo cadawgiisu aad u badnaayeen ayaa ku guuleystay intii uu talada hayay inuu cadawgiisa yareeyo isagoo adeegsaday siyaasado kala duduwan oo soo jiidasho u badnaa iyo midda aan marna la illoobi karin aan dibna loo arag oo, siday doonto ha ku timaaddee, ahayd furfuranka dhaqaalaha iyo ganacsiga oo gaaray meeshii ugu fiicnayd intii qubta iyo qacda lagu jiray oo dhan. Waxaan shaki iiga jirin in haddii ay jiri lahaayeen haya’do qiyaasaa koboca dhaqaaluhu ay muujin lahaayeen koboc aan horay loo arag oo dhaqaalaha iyo ganacsiga guudba ay sameeyeen muddadii uu xilka hayay Sheekh Shariif. Sida la og yahay, kobaca dhaqaaluhu waa arrinka ugu weyn oo yareeya cadaawadda iyo naca ay dadku u qabaan xukuumadda xilligaas talada haysa. Waa iyada dalalka reer galbeedka marka shaqo la’aanta iyo dhaqaale xumadu badataba xukuumadaha lagu kaco ilaa la gilgilo ama la rido, marka dhaqaaluhu kobcana qof walba danihiisa ayuu ku mashquulo oo marka doorasho timaaddo uun la is wareysto.

Haddaba iyadoo ay taasi jirtay oo bidhaamaha intooda badani tilmaamayeen in Sheekh Shariif dib loo soo dooran doono ayaa rajadii iyo qabkii Sheekh Shariif saacado yar gudohood dhulka la dhigay oo nin uusan filanayni ka soo hoos baxay. Halkudhigga maqaalkeenna oo ahaa ma laga yaabaa in madaxweyne Faroolana ay taas oo kale qabsato isagoo weliba bidhaamihiisa guushu ay ka  yar yihiin kuwii Sheekh Shariif. Ka hor inta aynaan taas ka jawaabin, aynu iftiiminno labo qodob oo jawaabta inaka taageeraya oo kala ah labada qodob ee ugu muhiimsan waxyaabaha ay labada doorasho ku kala duwanaayeen:

  • Doorashadii xilligii madaxweyne Sheekh Shariif dhacday, qaababka loo gacan-geliyay xulista xubnaha xildhibaannada iyo xataa soo celinta kuwii hore iwm waxay ahaayeen guud ahaan habab xeeladaysan oo aan ka baxsanayn wixii lagu heshiiyay tusale ahaan cod baa loo qaaday in qabqablayaashii dagaalka la soo celiyo iyo in kale, halka midda hadda Garowe  ka socota la dhinac maray marjicii lagu heshiiyay in loo bandhigo xubnaha/gobollada khilaafku ka taagan yahay. 
  • Doorsahdii Muqdisho ma dhicin xildhibaanno beelo matala oo inta meesha  laga saaray booskoodii xildhibaanno beelo/gobollo kale ka soo jeeda loogu deeqay si codad looga helo.

Gunaanad                                                                                                                                      

Haddaba marka aan eegno dhacdooyinkaas dhabta ah  ee kor ku xusan oo mid walba caddeynteeda la heli karo oo aan qiimeyno  dhaqanka Soomaalida ee la xiriira daacad u noqoshada ama u hoggansanka aan salka adag ku fadhiyin ee tolka/xoolaha iyo weliba is beddel jacaylka Soomaalida xataa haddii qofka ay beddelayaan uu qof fiican yahay, waxaan shaki yari iiga jirin in Cabdiraxmaan Faroole uu mari doono waddadii uu maray Sheekh Shariif, maadaama uu wadaadku ka rajo fiicnaa Faroole marka la eego dhaqaalihii gacanta ugu jiray iyo dadaalkii dheeraa ee uu ku saameeyay beelo badan oo Soomaaliyeed oo la filayay in beelo dhammi ay codadkooda oo aan midi ka maqnayn siin doonaan iyo weliba 20kii qabqable ee daqiiqadihii ugu dambeeyay loogu daray, ay haddana ka soo hoos bexeen arrimo iyo rag uusan filanayn oo uusan xisaabtaba ku darsan.  Anigoo arrimahaas aan kor ku xusay iyo kuwo kaleba ku saleynaya aragtidayda ayaan arkaa in Faroole uu saaxiibkiis Sheekh Shariif raacay.

Gunaanadkii iyo gabagabadii, hal toddobaad ayaa inaka xiga doorashada Garowe ee bal aynu aragno 66ka xildhibaan ee la soo xushay siday ugu kala hiiliyaan murashixiinta uu mid walba dantiisa gaarka ah iyo hubkiisuba u qarsoon yihiin ayna muuqato in qaarkood ay hub aan laga filayn goor xille la soo bixi doonaan sidii Xamar ka dhacday 10kii September 2012kii.

Qore: Cali Maxamuud Cismaan       

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

- Advertisement -

Read more

Local News