DHAGEYSO: Shariif Xasan oo beddelay go’aankiisi hore, shaacana ka qaaday..

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowaan ayay ahayd markii guddoomiyihii hore ee baarlamanka Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kasoo horjeestay qaabka ay wax wadaan siyaasiyiinta dhisaya maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia ee ku shirsan Baydhaba.

Shariif Xasan ayaa diiday in maamulka laga dhigo 6 gobol, uuna ku habboon yahay kaliya 3 gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.

Taasi waxa ay xiisad ka dhex dhalisay Shariifka iyo siyaasiyiin kale oo reer Baydhaba ah oo uu ka mid yahay afhayeenkii hore ee Baarlamanka Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo mar kale iminka hadlay, ayaa sheegay inuu si buuxda ugu faraxsan yahay shirka weli socda.

Wuxuu beeniyay Shariif Xasan inuu jiro wax khilaaf ah oo u dhexeeya isaga iyo siyaasiyiin kale oo isku haya arrimaha shirka isagoo tilmaamay natiijooyin wanaagsan inay kasoo bixi doonaan shirka Baydhabo.

Sidoo kale Shariif Xasan ayaa soo hadal qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan deeganada Jubbooyinka iyo qaabka shirka loo maaraynayo.

Halkan hoose ka dhageyso Shariif Xasan

shariif-xasan-sheekh-aadan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com