Maxaa ka jira in Dr. Dufle uu xalay ku dhaawacmay qaraxyadii Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) Dr Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta gudaha kaaso ah in uu ku dhaawacmay qaraxyadii xaley ka dhacay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Isagoo la hadlaayay VOA-da ayuu sheegay in uu bad qabo oo wax dhaac ah ka soo gaarin qaraxyada xaley ruxay Muqdisho balse wuxuu caddeeyay in uu ku jiray Hotelka Jazeera markii ay qaraxyada dhacayeen.

“Waan caafimaad qabaa oo waa annigan idinla hadlaya wax dhaawac ima soo gaarin, waan maqlay in idaacadaha ay sheegeen in aan dhaawacmay laakin warkaas wuxuu ahaa mid aan laga fiirsan” ayuu yiri Dr. Dufle.

Waxaa la weydiiyay bal in uu ka warbixiyo sida ay wax uga dhaceen hotelka maadama uu ku sugnaa?

Wuxuu Dr. Dufle sheegay in labo qarax ay kadhaceen afaafka horre ee hotelka Jazeera, wuxuuna tilmaamay in khasaaro badan ay ka dhasheen laakin dadkii gudaha joogay wax dhibaato aysan soo gaarin sida uu yiri.

Wuxuu tilmaamay in hotelka ay ku sugnaayeen xilligaas saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kuwaasoo ku caweenayay balse wuxuu tilmaamay in wax khasaaro ah uusan soo gaarin.

Hotelka Jazeera ayaa ku yaalla goob ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaana hotelka taga dadka ajaaniibta iyo saraakiisha madaxda dowladda.

Dadka odorasa arrimaha ammaanka Soomaaliya ayaa leh waa meesha labaad ee aad loo waardiyeeyo magaalada Muqdisho marka laga soo tago xarunta madaxtooyda Villa Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimcada@live.com