ETHIOPA oo calankeeda surtay GEDO iyadoo tuurtay calankii Soomaaliya

Buula-Xaawo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya deeganka Bohol-Garas oo ka tirsan gobalka Gedo, ayaa sheegaya in halkaas ka dhaceen rabshado u dhexeeya ciidamada dowladda Ethiopia iyo dad shacab ah kaddib markii ciidamo Ethiopia oo jooga deeganka ay calankooda ka sureen goobta isla markaana ay dajiyeen calanka Soomaalida.

Arrintaas waxaa ka carooday dadka deeganka oo dagaal kala hortagay ciidamada dowladda Ethiopia sida ay lee yihiin dadka deeganka.

Ma cadda khasaarasha ka dhashay rabshadaha ka dhacay deeganka Bohol-Garas, waxaana la sheegayaa in arrinta ay soo dhexgaleen maamul ka dhisan halkaas balse aan awood badan lahayn.

Si kastaba deeganka ayaa weli waxaa ka taagan xiisad u dhexeeya dadka shacabka ah iyo ciidamada Ethiopia, waxaana weli deeganka ka suran calanka Ethiopia.

Toddobaadkan meelo badan oo ah Soomaaliya waxaa soo galay ciidamo fara badan oo Ethiopia an kuwaasoo ka soo gudbay dhinaca soohdinta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baardheere

Caasimada@live.com