Faroole oo Garowe kuo dhaweeyay…

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe waxaa maanta oo Khamiis ah gaaray mid ka mid madaxweynayaasha maamulka Khaatumo ee ka dhisan gobalada Sool,Sanaag iyo Ceyn.

Axmed Cilmi Cismaan “Karaash” oo horre madaxweyne uga soo noqday maamulka Khaatumo ayaa markii uu soo gaaray Garoowe waxaa uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha uu xilkiisa dhammaanayo ee Cabdiraxmaan Faroole.

Wuxuu sheegay in weli aaminsan yahay maamulka Khaatumo in uu yahay mid dhisan balse wuxuu tilmaamay in labada maamul ay isku hadaf yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uulkan ka socda Khaatumo State ayaa sidoo kale sheegay in uu ka mid noqon doono dadka goobjooga ka ah doorashada Puntland oo dhaceysa 8-da bisha Janaayo.

Si kastaba, mar la weydiiyay in ka soo baxay maamulka Khaatumo iyo in kale wuu ka gaabsaday, wuxuuna intaas ku daray in maalmahan joogayo Puntland.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu jirro khilaaf soo dhex galay mas’uuliyiinta maamulka Khaatumo oo hadda kala jabay,waxaana arrintaas ka dambeeyay maamulka Puntland gaar ahaan madaxweyne ku xigeenka iminka Gen  Cabdisamad Cali Shire oo dhowr jeer tagay deeganka Taleex isla markaana ah ka soo jeeda halkaas.

La arki doonee sheekadan wax yaabaha ay ka badasho dabeesha siyaasadeed ee ka socota Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com