Xisbi uu SALAAD CALI JEELE madax ka yahay oo Muqdisho looga dhawaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah looga dhawaaqay xisbi siyaasadeed oo uu madax u yahay Salaad Cali Jeele oo xilal ka soo qabtay dowladihii KMG ah ee dalka soo maray.

Xisbigan oo lagu magacaabo Xisbigga Dimuquraadiyada iyo Midnimada Soomaalia ayaa waxaa la sheegay in uu wax ka qaban doono siddii dalka ay uga dhici lahayd doorasho dimuquraadi ah isla markaana laga gudbo nidaamka 4.5 ee beelaha ku saleesan.

Salaad Cali Jeelle ayaa xusay markii uu arkay xaaladda dalka ay ka mareyso xuquuqda aadanaha uu go’aansaday in uu sameeyo xisbigan oo wax badan ka qaban doona ku xad -gudubka xuquuqda aadanaha ee ka dhaca dalka.

Waxaa kaloo daahfurkan xisbigan ka hadlay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar horre iyo siyaasiyiin waxaana ay sheegeen in ay soo dhaweenayaan xisbiga maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegeen in loo baahan yahay dalka in xilligan laga furo axsaab la tartanta kooxda Dam-Jadiid ee uu ka tirsan yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay sheegeen dalka in ay hadda ka arrimiyaan.

Si kastaba, xisbigan cusub ayaa ku biiraya xisbiyo aan badneen oo dalka ka dhisan kuwaasoo aqoonsi aan ka heesan baarlamaanka fedaraalka Soomaalia ama aan loo gudbin si loo aqoonsado jiritaankoooda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com