DEG DEG: Qaraxyo waa weyn oo caawa laga maqlay magaalada MUQDISHO iyo Hotel iyo goobo caan ah oo la haleelay

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in goordhow qaraxyo waaweyn laga maqlay magaalada Muqdisho.

Wariyaha Caasimada Online ee Muqdisho ayaa soo sheegay in meelaha qaraxyada laga maqlay ay ka mid yihiin Hotel Jazeera oo u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo wadadda Makah Al-Mukaramah.

Hotelka Jazeera ayaa la sheegay in uu isku qarxiyay qof watay baabuur wax yaabaha qarxa balse ma cadda in uu gudaha u galay iyo in kale.

Sidoo kale waxaa weerar lagu qaaday Hotelka Mubaarak oo ku yaalla waddada Makah Al-Mukaramah oo ah waddo aad loo waardiyeeyo.

Ammaanka hotelka ayaa waxaa durba isku gadaamay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, mana cadda khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay.

Qaraxyada kaddib waxaa magaalada laga maqlay rasaas xooggan oo ka dhaceysa meelaha qaraxyada ay ka dhaceen.

Faah-faahin  kala soco Caasimada Online in shaa allah