Cali Khaliif oo si kulul uga fal-celiyey hadalkii Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee maamulka Khaatuma, Cali Khaliif Galeyr oo u warramayey warbaahinta ayaa ka fal-celiyey hadalkii madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii uu ka jawaabi waayey su’aal laga weydiiyey gobollada Sool & Sanaag.

Cali Khaliif ayaa sheegay in jawaabta la’aanta madaxweyne Farmaajo kadib gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn aysan waxba u aalin Xamar ama magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynaha Soomaliya uu ka filayey inuu maamul u dhiso gobolladaasi, balse ay lama filaan ku noqotay hadalka u bixiyey.

“Sool, Sanaag iyo Cayn waxba uma yaalaan Xamar kadib jawaab la’aantii Madaxweyne Farmaajo, waxaan islahaa Farmaajo wuxuu goboladaas u ogolaanayaa Maamul inay dhistaan ileen dowlada ayaa dhistay maamuladaan kale.” ayuu yiri Cali Khaliif.

Ugu dambeyn wuxuu u soo jeediyey bulashada Sool, Sanaag & Ceyn inay ka tashadaan aayahooda, islamarkaana ay hurdada ka kacaan.

“Galmudug sida lagu dhisay, dhibka laga maray iyo qarashaadka la galiyay waala ogaa. Hadaba Sool, Sanaag iyo Cayn waa inay tashadaan oo hurdada kakacaan.” ayuu sii raaciyey.

Dhowaan ayey aheyd markii uu madaxweynaha Soomaaliya doortay in aanu ka jawaabin su’aal laga weydiiyey gobollada Sool iyo Sanaag, isagoo ka qeyb-galayey dood cilmiyeed ku saabsan doorashooyinka 2020/21, waxaana u jeedadu aheyd in hadalkiisa aanu sii dhalin xanaf badan, maadaama dowladda federaalka ay hadda wada-hadallo kula jirto Somaliland.