Maxaa kusoo kordhay wada-hadalladii A/Madoobe iyo Farmaajo ee xiisadda Gedo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in todobaadkaan uu si rasmi ah u billaaban doono wada-hadalka maamulka Jubaland iyo Madaxtooyada Soomaaliya ee ku aadan arrimaha gobalka Gedo.

Ilo wareedyo muhiim ah oo ka tirsan maamulka Jubaland ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay toos u billaabi doonaan doodda Jubaland ee ku aadan ciidamada dowladda ee ku sugan gobalka Gedo.

“Muqdisho waxaan u joognaa in la xaliyo cabashadeyna arrimaha ciidanka gobalka Gedo, 48-da saac ee soo aadan ayey qabsoomi doonaan kulamada arrintaas ku saabsan, hore waxaa u jiray is afgarad,” ayuu yiri qof ka mid ah wafdiga Madaxweynaha Jubaland ee ku sugan Muqdisho.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa horey mabda’ ahaan u aqbashay in ciidamada dowladda laga soo saaro Gedo, taasi oo horseeday wada-hadalladii lagu gaaray heshiiska doorashada, oo maalmo arrintaas darteed u xayirmay.

Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay ay kulamo ku yeesheen madaxweynayaasha maamul gobaleedyada, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo madaxda dowladda Soomaaliya, kulumadaas oo ku saabsan sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii ay dhawaan ku gareen Muqdisho islamarkaana ku saabsanaa arimaha doorashada Soomaaliya.