Awoodda Golaha Shacabka Somalia oo ‘lala wareegay’ iyo xildhibaan xog ka bixiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in lala wareegay awooda golaha shacabka Soomaaliya, kadib wareysi uu siiyey TV-ga Soomaali Cable.

Zakariye ayaa ku eedeeyey guddoonka golaha shacabka inuu la wareegay awooda golaha, isagoo sheegay in wixii uu doono ka sameysanayo baarlamaanka.

“Aniga baarlamaanka aan hadda ku jiro waxaan ku aqaanaa irida baarlamaan marka uu ka soo galo gacanta midig oo ay iyagu leeyhiin maleh guddoonkaa iska leh.”

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray xildhibaanku  “Taaga haddii la yiraahdo wax uun lee u taaga way iska taagayaan.”

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji oo hadalkiisa sii wata carabka ku adkeeyey in arrintan ay saameyn ku yeelatay golaha, gaar ahaan isla xisaabtankii laga rabay.

“Arrintaasi waxa ay daba rogtay isla xisaabtankii laga rabay Golaha Shacabka.” ayuu sii raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo baarlamaanka federaalka Soomaaliya in muddaba lagu eedeyanayey inuu gabay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, gaar ahaan isla xisaabtanka laga rabay ee xukuumadda Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee dowladda.